Wednesday, April 24, 2024
spot_imgspot_img

Ra’isul Wasaare Xamse oo Jabuuti kula Kulmay Aqoonyahanno ku howlan Cilmibaaris muhiim ah

Arbaco-December-20-2023-{HMC}  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa xalay qaabilay Aqoonyahanno Soomaaliyeed oo ku hawlan cilmibaaris ku saabsan dib u heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed.

Aqoonyahannada ayaa Ra’iisul Wasaaruhu kala hadlay doorka muhiimka ay aqoonyahannadu ku leeyihiin baarista iyo xal u helidda mashaakilaadka ka dhashay dagaalladii sokeeye ee dalkeenu soo maray.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in dib u heshiin dhab ah ay saldhig u tahay xoojinta dowladnimada, isla markaana Xukuumadda DanQaran ay xoogga saareyso ka mirodhallinta aragtida Madaxweynaha ee “Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah”.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 24-04-2024

Arbaco-24-April-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn. Warka waxaa soo jeedinayo :: Abdirahman Muse Osman Farsamadii :: Abdiqani...

{DAAWO MUUQAALKA} Shacabka Muqdisho oo soo dhoweeyay heshiiska difaaca iyo dhaqaalaha ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Arbaco-24-April-2024 {HMC} Shacabka Muqdisho oo soo dhoweeyay heshiiska difaaca iyo dhaqaalaha ee Soomaaliya iyo Turkiga. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/m2eD5H1AfKI  

WARARKA