Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

S/Guuto Sulub Axmed Firin: “Booliiska Soomaaliyeed wuu 80 sano jirsaday”.

Arbaco-December-20-2023-{HMC}  Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Sulub Axmad Firin oo ka hadlay xuska 80 sano guurada kasoo wareegtay aasaaska ciidanka Booliiska ayaa hambalyo u diray Shacabka, ehelka askarta, saraakiisha & guud ahaan ciidamada Booliiska.

Janaraal Sulub Axmed Firin ayaa sheegay in ciidanka Booliisku uu shaqaynayo muddo 80 sano taasina ay muujinaysa sida uu ugu dhabar-adeegay isla markaana u gutay waajibaadka saaran waxaana uu kula dardaarmay in ciidamadu ay sii wadaan howlaha Bulshadu u hayaan.

“Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa guud ahaan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeyaasha, Saraakiisha, saraakiil xigeennada, aliflayda, Dablayda & Xaasaskooda meel weliba oo ay joogaan, waa maalin wayn oo aan leenahay waan 80 jirsanay” Sarreeye Guuto Sulub Axmed Firin Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed.

Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada iyo hoggaanka Ciidamada qaybahooda kala duwan ayaa hambalyo la xiriirta maalintii la aasaasay Booliiska Soomaaliyeed oo maanta oo kale ah u diray ciidamada, saraakiisha iyo xaasaskooda.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA