Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Qaabkii ay ula wareegeen Ciidanka Dowladda iyo kuwa Deegaanka Degmada Ceeldheer 

Khamiis-December-21-2023-{HMC} Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo garab iyo gaashaan ka helaya ciidamada deegaanka ayaa si buuxda ula wareegay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, halkaas oo bilooyinkii lasoo dhaafay ku sugnaayeen Al Shabaab.

 

Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud waxaa shalay oo Arbaco aheyd si buuxda ula wareegay Ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaanka , waxa ayna ciidamada halkaasi ka wadaan howlgalo ay ku xaqiijinayaan ammaanka degmada Ceeldheer oo saldhig muhiim ah u aheyd Al Shabaab.

 

Saraakiisha ciidamada hoggaamineysa ayaa sheegay in si buuxda gacantooda ugu jirto degmada Ceeldheer, waxa ayna xuseen in ay howlgalka ka dhanka ah Al Shabaab sii wadayaan inta ay kooxdaasi ka saarayaan goobaha ay ka joogaan bariga Galgaduud.

 

Qabsashada Degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud waxaa ay imaaneysaa xlili dhowr bil kahor ay ka so baxeen ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka, waxaana degmadaasi dib gacantooda ugu gashay kooxda Al Shabaab oo horey sannado badan u heesatay.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA