Wednesday, April 24, 2024
spot_imgspot_img

Dab ka kacay suuq laga dukaameysto oo ku yaalla xaafadda Isli ee magaalada Nairobi

Khamiis-December-21-2023-{HMC} Wararka ka imanaya xaafadda Isli oo ay Soomaalida ku badan tahay ayaa tibaaxaya in dab uu ka kacay dhisme laga dukaameysto oo la yirahdo Sharjah kaas oo kaabiga ku haya suuqa Hongkong.

Khasaaraha ilaa hadda la xaqiijiyay ayaa waxaa lagu sheegay in hal dukaan ku bas-beelay welina uu qiiq laga arkayo dhismaha. Ma jiranaa wax khasaare dhimasho ama dhaawac ah oo la soo weriyay

Ilaa hadda lama oga sababta dhalisay dabka inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in cilad koronto uu ka dhashay dabka. Waxaa socda howlo lagu daadgureynayo agabka dhismaha, iyadoo kooxaha dab-damiska ay isku dayayaan inay xakameeyaan dabka.

Wixii war ka soo kordha halkan kala soco.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 23-04-2024

Talaado-23-April-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn. Warka waxaa soo jeedinayo :: Abdiqani Osoble Farsamadii :: Mohamed...

{DAAWO MUUQAALKA} Taliyaha Ciidanka lugta XDS oo gaaray Buuloburde ayaa fariin u diray kumaandooska Gor-gor

Talaado-23-April-2024 {HMC} Taliyaha Ciidanka lugta XDS oo gaaray Buuloburde ayaa fariin u diray kumaandooska Gor-gor HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/zYa4FljPztw  

WARARKA