Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Garaad Jaamac: Qaddiyadda SSC khaatumo ha u baqina maamul baynu leennahay 700 qof ah ayaa u naf waayey

Khamiis-December-21-2023-{HMC}Garaad Jaamac Garaad Cali oo kamid ah golaha dhaqanka SSC- Khaatumo ayaa hoosta ka xarriiqay in qadddiyadda SSC aysan marnaba gorgortan ka gali doonin, isagoo sheegay in 700 qof ay u geeriyoodeen in ay masiirkooda iyagu u taliyaan.

Garaadka oo ka hadlayay magaalada Laascaanood ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin wararka sheegaya in dad doonaya xildhibaano oo kasoo jeeda SSC ay ku matalayaan maamul goboleedyada Puntland.

“Dadkani maamul buu leeyahay. Go’aan buu gaaray. Maamulkaasi meel cad buu yaallaa. Meel lagasoo cesho ma ay jirto. 700 qof oo rag iyo dumar leh ayaa u shahiiday in aan dadkaan cid dambe u talinin,’ sidaasi waxaa yiri garaad Jaamac Garaad Cali.”

Hadalka Garaad Jaamac ayaa kusoo beegmay, iyadoo ay soo baxayeen warar sheegayay in garaadada SSC- Khaatumo ay doonayaan inay saxiixaan 17-ka xildhibaan ee beesha Dhulbahante ku lahayd Punland.

Dhinaca kale guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta xubnaha baarlamaanka ayaa la sheegay inay qabteen araajida musharraxiin xildhibaan oo kasoo jeeda degaaanda SSC- Khaatumo.

Qaar kamid ah ayaa katirsan xubnaha golaha wasiiradda madaxweyne Deni, kuwaas oo doonaya inay kamid noqdaan baarlamaanka Puntland.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA