Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Heshiis dhaxmaray madaxda Hungary iyo Turkey oo Hadal haayn Xoogan ka dhaliyay Aduunka

Khamiis-December-21-2023-{HMC} Ma jiro heshiis ka dhaxeeya Hungary iyo Turkey oo ku aadan ansixinta codsiga Sweden ee xubinnimada NATO, waxaa sidaas maanta sheegay ra’iisul wasaaraha Hungary Viktor Orbán.

Orbán ayaa sheegay inay u taallo baarlamanka Hungary inay go’aansadaan xilliga ay doonayaan inay arrintan u codeeyaan.

Waxa uu sheegay inaysan jirin rabitaan weyn oo xildhibaanada xisbiga talada haya ee Budapest ay u qabaan inay ansixiyaan dalabka Sweden.

Ku-biirista Sweden ee NATO ayaa waxaa muddo hortaagan diidmada Turkey iyo Hungary ee ah inay ansixiyaan.

Orbán wuxuu sheegay bishii September in Hungary aysan ku degdegi doonin ansixinta ka mid noqoshada Sweden ee NATO, taasi oo horseeday dib u dhaca kale oo ku yimid hanaanka oo tan iyo sanadkii hore ku xayirnaa baarlamanka dalkiisa.

“Ma jiro heshiis ka dhaxeeya Hungary iyo Turkey,” oo ku saabsan dalabka Sweden ee NATO, ayuu yiri ra’iisul wasaare Viktor Orban, isagoo intaas raaciyay “ansixinta waxaa go’aan ka gaari doona oo kaliya baarlamaanka Hungary… marka sharci-dajiyayaashu ay go’aansadaan in wakhtiga la gaaray. Weli rabitaan badan uma qabaan go’aankan.”

Budapest ayaa sheegtay, in wax ay ugu yeertay eedeymaha aan loo qiil dayin ee siyaasiyiinta Sweden ay ku sheegeen inay tirtay xuquuqdii dimoqraadiyadda, ay sabab u tahay dib u dhigista ansixinta dalabka Sweden.

Baarlamaanka Hungary, oo hadda ku jira fasaxa xilliga qaboobaha, ayaa shaqadiisa dib u billaabi doona bartamaha Febraayo.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA