Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Israel oo Dalbatay Xabad joojin Xili Ururka Xamaas ay shuruudo adag ku xireen

Khamiis-December-21-2023-{HMC} Israa’iil ayaa Xamaas u soo bandhigtay hindise ay ku jirto in muddo toddobaad ah ay ku hakiso dagaalka si ay u sii deyso ilaa 40 la heyste, sida uu sheegay sarkaal oo Israa’iili ah iyo ilo kale oo arrintan wax ka og.

Marka hore waxaa soo wariyay warkan shabakada Axios ee ka soo baxda Israel taaoo sheegtay in soo jeedintu ku egtahay in la sii daayo la haystayaasha oo ay ku jiraan haween, waayeel iyo kuwa u baahan daryeel degdeg ah.

Heshiiska waxaa loo soo bandhigay Xamaas iyada oo loo marayo dhexdhexaadiyeyaasha Qatar, ayuu yiri Ravid, Israel ayaa horey u sheegtay iney xoog ku soo furaneyso dadka ay Xamaas heysato hase ahaatee waxay ogaatay in taas aysan suuragal aheyn.

Michael Herzog, Safiirka Israa’iil u fadhiya Mareykanka, ayaa xaqiijiyay in Israa’iil ay diyaar u tahay inay hakiso dagaalka haddii ay la macno tahay inay sii deyso la haystayaal badan intii suurtagal ah.

“Waxaan u maleynayaa inay dhici karto in la sheego in aan heshiis kale, ilaa hadda, Xamaas waxay diiday inay sameyso heshiis kale,” Herzog ayaa u sheegay CNN.

Xamaas ayaa si cad u sheegtay in aan la sii deyn doonin dad kale oo la haystayaal ah ilaa inta laga gaarayo xabad joojin waarta iyo in la sii daayo dhamaanba kumanaanka falastiiniyiinta ah ee ku xiran Israel.

Laakiin iyadoo dadaallada diblumaasiyadeed ay sii socdaan, dhibaatada bini’aadantinimo ee go’doominta ayaa ka sii daraysa maalin kasta. Ku dhawaad ​​20,000 oo qof ayaa lagu dilay howlgalada militariga Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii Oktoobar, in ka badan 52,000 waa ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA