Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Muxuu yahay Xiriirka ka dhaxeeya Fallaagada ADF ee ka dagaallanta Koongo iyo Uganda iyo kooxda Daacish?

Khamiis-December-21-2023-{HMC} Miliishiyo lala xiriirinayo kooxda Daacish ayaa nolosha ku gubay ugu yaraan 10 qof oo rayid ah, ka dib markii ay weerar ku qaadeen magaalo ku taalla koofurta galbeed ee Uganda, sida uu booliska dalkaas sheegay.

Dableyda oo la sheegay inay ka tirsan yihiin kooxda ADF, oo ah koox laayaan ah oo ka jirta Koongada dimoqaraadiga, ayaa ka soo gudbay xuduudda, ayagoo weerar ku qaaday xarun ganacsi oo ku taalla magaalada kamwenge.

“Arrimaha hordhaca ah ee aan baaritaanka ku ogaannay waxay muujinayaan in 10 dagaallame oo qoryaha fudud ku hubaysan ay weerareen oo nolosha ku gubeen 10 qof” ayuu yiri afhayeenka booliska ee gobolkaas Vincent Twesige.

Waxay kaloo dab qabadsiiyeen mootooyin, ayagoo dukaamana bililiqaystay.

Weerarka oo dhacay 2dii aroornimo ee Talaadadii ayaa yimid maalmo ka dib markii madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni uu sheegay in ilaa 200 oo dagaallame oo ka tirsan fallaagada ADF lagu dilay weerar cirka ah oo Uganda ay hogaaminaysay, kaasoo ka dhacay gudaha Koongada Dimoqaraadiga.

Kooxda Daacish waxay sheegtaa in ADF ay tahay farac ayaga ka mid ah.

Maxay tahay Kooxda ADF

Kooxda oo magaceeda oo buuxa uu yahay Allied Democratic Foces (ADF), waxaa la sheegaa inay abuureen oo dhaqaale ku bixiyeen hogaamiyihii hore ee Koongada Dimoqraadiga (ee la oran jiray Zaire) Mobuto Sese Seko iyo madaxweynihii hore ee Sudan Cumar Xasan Al Bashiir, si ay weerarro uga gaystaan gudaha Uganda oo ahayd cadawga kaliya ee labada dal lahaayeen sannadihii sagaashameeyadii.

Xilligii la sameeyey oo ahayd 1995 ADF waxay ka koobnayd laba koox. Kooxda hore waa National Army for the liberation of Uganda oo saldhigoodu ahaa hareeraha gobolka Rwenzori ee ay degaan dadka masiixiyiinta u badan ee Bakonjo Baamba ee galbeedka Uaganda, una dhow xuduudda Koongo DR.

Kooxda Labaad waa urur ka kooban dagaallamayaal ka soo jeeda kooxda Uganda Islamic Salafi Foundation. Kooxdaas waxay ka cabanayeen isku day, sida la sheegay, ay Uganda doonaysay inay ku koontaroosho isu imaatinnada muslimiinta dalkaas horraantii sannadihii sagaashameeyadii.

Sida uu sheegayo Stig Jarle Hansen oo ah professor ka tirsan Jaamacadda Norwegian University of Life Sciences, “kooxda cusub waxay askarta Uganda ku riixeen Gobollada bariga Koongo, halkaasoo uu taageero ku siin jiray Mobuto ilaa xukunka laga tuuray 1997”.

Laakin halkaas kuma dhamaan jiritaanka ururkaas, waxayna kooxda dib ugu sii gurteen gudaha kaymaha ku yaalla xudduudda Koongo iyo Uganda.


Sidee isugu xirmeen ADF iyo Daacish
Xilliba xilliga ka dambeeyey kooxda ADF waxay noqonaysay mid islaam ahaan balaarata, qayb ahaanna sababtu waxay ahayd cafisyo ay Uganda u fidisay dhowr ka mid ah hogaamiyeyaashii qunyar socodka ahaa ee ADF si ay u goostaan.

Ifafaale muujinaya in urur mayal adag uu soo bixi doono ayaa durba soo muuqday, gaar ahaan wixi ka dambeeyey 2011.

Kooxda Daacish waxay ururka u aqoonsatay gobol ahaan 2019. Markii hogaamiyaha ADF uu ku dhawaaqay inuu xulafo la noqonayo Daacish, waxaa soo goostay taliyeyaal ciidanka ka tirsanaa.

Sidaas ayey istaraatijiyada Daacishta bartamaha Afrika ugu hirgashay, waxayna weerarradii ugu horreeyey ku qaadeen Uganda.

Wixii ka dambeeyey 2022, waxay kooxdu qaadday duullaanno waaweyn oo ay ku beegsatay Uganda, waxaana ku jiray weerar lagu qaaday iskuul bishii Juun ee sannadkan, kaasoo ku yaalla magaalo u dhow xudduudda Uganda iyo Koongo.

Warbixin ay shaaciyeen khubaro ka tirsan Qaramada Midoobay bishii Juun ee sannadkan waxay sheegaysaa in in kooxda Daacish ay taageero dhaqaale siinaysay ADF tan iyo 2019.

Maraykanka ayaa sannadkii hore ADF ku daray “Liiska ururrada argagixisada” ee xiriirka la leh Daacish

XIGASHO BBS SOMALI

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA