Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Wax garadka SSC oo go’aan culus ka qaadatay doorashada PUNTLAND

Khamiis-December-21-2023-{HMC}  Garaad Jaamac Garaad Cali oo kamd ah Isimada Dhaqanka SSC-Khaatuma oo warbaahinta kula hadlay magaalada Laascaanood ayaa ka hadlay xaaladda maamulkaas iyo arrimo ku saabsan doorashooyinka maamulka Puntland

 

Garaadka ayaa ugu horreyn meesha ka saaray walaaca ay dadka SSC ka qabaan doorashada Puntland, maadaama ay haatan yeesheen maamul madax bannaan

 

Waxa uu tilmaamay in qadddiyadda SSC-Khaatuma aysan marnaba gorgortan ka gali doonin, isla markaana aysan aqbali doonin in meel kale looga taliyo dadkeeda

 

Sidoo lale waxa uu intaasi ku daray in halganka loo galay SSC ee ka billowday magaalada Laascaanood ay ku dhinteen dad gaaray illaa 700 oo qof, sida uu hadalka u dhigay

 

“Dadkani maamul buu leeyahay go’aan buu gaaray. Maamulkaasi meel cad buu yaallaa. Meel lagasoo cesho ma ay jirto. 700 qof oo rag iyo dumar leh ayaa u shahiiday in aan dadkaan cid dambe u talinin,’ sidaasi waxaa yiri Garaad Jaamac Garaad Cali.

 

Garaadka oo hadalkiisa sii wata ayaa beeniyay inay jiraan dad doonay in xildhibaano kasoo jeeda SSC ay ku metalaan maamul goboleedka Puntland, maadaama doorasho la galayo

 

Arrintan ayaa meesha ka saareysa warar muddooyinkii u dambeeyay soo baxayay oo sheegayay in Garaadada SSC ay doonayaan inay saxiixaan 17-ka xildhibaan ee beesha Dhulbahante ku lahayd Puntland

 

Sidoo kale go’aankan ayaa kusoo aadaya, xilli haatan Puntland ay ka socota xulista xildhibaanada cusub oo diiwaangelintooda uu bilaabay guddiga xallinta khilaafaadka

 

Si kastaba, arrimahan ayaa uga sii daraya xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Puntland, taas oo uu uga sii daray khilaafka ka dhashay muranka hareeyay doorashada maamulkaasi.

 

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA