Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Xildhibaano Katirsan baarlamaanka Soomaaliya oo wada Mooshin ka dhan ah xukuumada Ra’iisul Wasaare Xamze.

Khamiis-December-21-2023-{HMC} Xildhibaano dhowr ah oo ku midoobay magaca ‘Kudladda Toosin Qaran’ oo soo saaray bayaan ay eedeyn culus ugu jeedinayaan xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamza Barre.

Xildhibaan Faarax Macalin Bishaar oo ka mid ah kudladaan xildhibaanada ah ee abaabulan ayaa akhriyay war-saxaafadeed kasoo baxay “Kudlada Toosin Qaran” oo aad loogu eedeeyey xukuumadda ‘Danqaran.’

“Xukuumadda way ku fashilantay Shaqadii loo igmaday, heshiisyo Qaranka halis ku ah oo qarsoodi ayey xukuumadaan la gashay dalal kale, Ra’iisul wasaare Xamza waan in uu hor imaadaa Baarlamaanka,” ayaa lagu yiri bayaan.

Kudladaan waxay sheegtay in xukuumaddu ay dayacday dadkii ay saameeyeen fatahaada ka dhashay roobkii deyrta, isla markaana aysan jirin cid gargaar gaarsiisay qoysas badan oo ku tabaaleysan gobollada dalka.

“Waxay xukuumaddu ku mashquushay dastuur bedel aan heshiis lagu aheyn oo halis ku ah qaranka, boob ayaa ku socda xoolaha dadweynaha, wax is maqal ahna kama dhex jiro hey’adaha dowladda,” ayaa lagu yiri bayaanka kudladda.

Xildhibaanadaan ayaa sheegay inay u yeereen guddoomiyaha hey’adda maareynta musiibooyinka, kaas oo baarlamaanka ka hor sheegay in caalamku uu Soomaaliya soo gaarsiiyey raashin ku filan dadka u baahan, balse aysan heynin kharash ay dadkaas ku gaarsiiyaan raashinka iyo gargaarka ku jira bakhaarada Muqdisho.

“Waxaan is weydiinay maxaa kharash loogu khasaarinayaa xafladaha bilaa micnaha ah, maadaama la weysan yahay kharash gargaarka caalamku na siiyo lagu gaarsiiyo qoysaska u baahan ee fatahaaduhu ku saameeyeen gobollada dalka?”

Xildhibaanada ayaa sheegay in qorshaha wax looga bedelayo dastuurka uu u muuqdo kali-talisnimo iyo awood marooqsi, “waa halis weyn, wixii shalay la diidayna maanta cidna laga yeeli maayo,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Waxay soo jeediyeen dastuurka la dhameystiro, iyadoo laga fogaanayo wax kasta oo umadda Soomaaliyeed kala geynaya, “waxaa jirta in xukuumadu ay qaar ka mid ah dalalka caalamka la gashay heshiisyo qarsoodi ah oo la diiday in baarlamaanka la hor keeno,” ayaa lagu yiri bayaanka.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA