Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Burcad badeedda Soomaalida oo sii daayay mid kamid ah bad maaxiye ay dhawaan afduubteen.

Jimco-December-22-2023-{HMC} Mid ka mid ah shaqaalihii la socday markab ganacsi oo ay afduubteen burcad badeed Soomaali ah, oo dhaawac ah ayaa lagu guuleystay in ciidamada badda Hindiya ay ka daad gureeyaan markabka MV Ruen.

Sida la sheegay, ninkan oo qaba dhaawac aad u culus, kana mid ahaa shaqaalaha markabka, ayaa waxaa toogtay kooxda burcad badeedda, intii uu socday howlgalka afduubashada.

Ciidamada badda ee Hindiya ayaa u suurtagashay in ay xaqiijiyaan sii deynta badmaaxa dhaawaca ah iyaga oo wada hadal la yeeshay horjoogayaasha burcad-badeedda.

Waxaa loo qaaday deked kutaala dalka Cumaan, si uu u helo daryeel caafimaad oo aasaasi ah.

Markabka MV Ruen, ayaa weli gacanta ugu jira burcad badeedda Soomaali ee qafaashay 14-kii December.

Markabka ayaa haatan lagu haystaa meel kutaala xeebaha bariga fog ee Puntland.

Weli lama oga in burcad badeedu ay dalbadeen lacago madax furasho ah sidii horey loogu yaqaanay kooxaha burcad badeedda.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA