Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Ciidamada Dowlada oo Ku sii dhawaanaya Deegaano ay Kusuganyihin AS

Jimco-December-22-2023-{HMC}  – Wararka ka imaanaya gobollada dhexe ee dalka ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka, Daraawiishta Galmudug oo kaashanaya iyo dadka deegaanka ayaa weli howlgallo ka wadaan deegaano ka tirsan Galgaduud iyo Mudug.

Ciidamada huwanta ayaa kusii siqaya deegaanada ay xubnaha Al-Shabaab ka joogaan labadaas gobol oo hoostaga dowlad goboleedka Soomaaliyeed Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in dhinaca Galgaduud ay ciidamada kaabiga ku hayaan deegaanada Budbud, Cowswayne iyo degmada Galcad oo ay horay uga soo baxeen ciidamada huwanta.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in dhaq-dhaqaaqii ugu dambeeyay ay ka wadaan gobolka, si looga xoreeyo halkaasi.

Sidoo kale ciidamada ayaa howlgallo kale ka wada dhanka Mudug, waxayna ku dhow yihiin deegaano dhaca koonfurta gobolkaas oo ay fariisimo ku leeyihiin xoogaga Al-Shabaab.

Sida aan xogta ku helnay ciidamada isbaheysanaya ayaa kusii jeeda magaalada Caad oo hadda ah bartimaameedka koowaad ee qabashooda, halkaas oo marar badan ay ku dagaalameen labada dhinac.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada huwanta ay haatan isku uruursanayaan aagga buurta Yacgoos oo todobaadkanay kala wareegeen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Howlgalladaan ayaa waxaa barbar socda duqeymo xoogan oo ay diyaarado dagaal ku garaacaan dhulka howdka ah ee ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Galmudug ayaa waxaa sanad ka badan ka socda howlgallo dhul iyo cir ah, kuwaas oo dhul ballaaran looga xoreeyay kooxda Al-Shaabaab oo qorshuhu yahay in laga saaro gobollada Galgaduud iyo Mudug.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA