Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Halkee ayay ku dambeeyeen kooxdii Fanaaniinta Gargeysa ee Xiddigaha geeska?

Jimco-December-22-2023-{HMC} Kooxda xiddigaha geeska, waa kox faneed ka aas-aasantay magaalada Hargeisa ee caasimadda Somaliland, waxa ay abuurmeen iyaga oo ah koox faneed dhameystiran, sida abwaaniin kooxda muusigga garaacda, mullaxamiistayaal iyo fannaaninta laftooda ee ku luuqeeya heesaha kala duwan.

Aas-aasayaasha kooxda waxaa kamid ahaa Xasan Saleebaan Dhuxul Laabsaalax oo ahaa guddoomiyihii ugu horreeyay ee kooxda iyo mid kamida abwaaniinta ugu waaweyn isla markaana haatan ah xildhibaan katirsan baarlamanka Somaliland.

Sidoo kale laf dhabarta kooxda waxaa kamid ah Axmed weli Furinle oo kamid ah hoggaanka kooxda, muusiggana garaaca, iasga oo weli ka dhex muuqda kooxda.

Kooxda ayaa la’aas aasay xilli hore hase yeeshee waxa ay masraxyada Soomaalida si weyn u qabsadeen muddo hadda laga joogo dhowr iyo toban sano.

Xiddiguhu waxa ay caan ka ahaayeen guud ahaan gayiga Soomaalida iyagoo sameyn jiray bandhig faneedyo iyo heeso sanadle ah oo mar waliba ay si wada jir ah usoo saaraan.

Kooxda Xiddigaha geesku waxa ay soo mareen marxalado kala duwan iyadoo fanaaniin caan ka ahaa ay gebi ahaanba fanka isaga bexeen halka marba marka kasii dambeysana ay ku biirayeen fanaaniin kale, maamulka kooxda iyo hoggaanka sare ayaa is beddelay dhowr mar.

 

Fanaaniinta sida aadka ah ugusoo shaac baxay kooxda isla markaana fanka faarujiyay markii dambe waxaa kamid ahaa Maxamed Siciid BK, Cabdihani Xaashi, Xamda Queen iyo fanaaniin kale.

Kooxdu waxa ay safarro koox-koox ah iyo kuwo kali-kali ahba ku tegi jireen deegaannada kala duwan ee dalka iyo dibaddaba.

Cabdiraxmaan Cismaan Cambuur (Xaaji), waa guddoomiyaha haatan kooxda fanka ee Xiddigaha geeska, waana mid kamida abwaaniinta kooxda oo in kabadan 50 heeso ah oo uu sameeyay ay qaadeen fanaaniin kala duwan oo kooxda katirsan.

Fanaaniinta uu heesaha u sameeyay waxaa kamid ah, fanaanadda Yurub Geenyo oo uu u sameeyay ku dhawaad toban heesood, sidoo kale Khadra Silimo, Hodan Cabdiraxmaan, Ifraax Hrgeysa, Najma Nashaad iyo Xariir Axmed.

Sidoo kale heesaha caan baxay ee uu sameeyay abwaan Xaaji waxaa kamid ah heesta ‘Nacabku darbiyada ha jiiro’.

Guddoomiyaha ayaa waxa uu BBC-da uga warramay suugaantiisa, iyo waxa ku dhacay kooxda oo dhawaanahan aan la maqal iyadoo kamid ahayd kuwa ugu wax soo saarka badan fanka Soomaalida ee maanta.

“Kooxda xiidiguhu waa koox weli dhisan oo sideedii u shaqeysa, kooxdu haatan waxa ay waddaa qorshe ay ku qabaneyso barnaamijyadeedii sanadlaha ahaa ee fanka, halkaa oo lagusoo bandhigi doono in kabadan labaatan heeso ah, oo ay sameeyeen ilaa toban abwaan oo kooxda katirsan.”

Marka ay noqoto hadal haynta kooxda, waxaa jirta in aanay ahayd sidii hore isla markaana la’iska weydiinayo masraxyadii ay shidi jireen.

“Waa run waxaa jira gaabis dhinaca kooxda ah, markii horaba waxaa jiray in fanaaniinta ay mar qura soo wada bexeen dadkuna ay wada xiiseynayeen, hadda qudheeda waxaa jira qorshe aan ksuoo nooleyneyno bandhigyadii cajiibka ahaa ee kooxda oo sanadka cusubba uu ugusoo horreeyo”, ayuu yiri guddoomiye Cabdiraxmaan Cismaan Cambuur (Xaaji).

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan fanaaniin katirsan xiddiga kuna sugan meelo ka baxsan Somaliland oo ay kamid tahay fanaanadda Hodan Cabdiraxmaan iyo saygeeda Mursal Muuse, kuwaas oo qorsheynaya in ay soo saaraan heeso muuqal ah oo ay kooxdu sameysay.

Xigasho BBC

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA