Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay Waqtiga kama danbeysta ah oo ay Al Shabaab so Afjareyso

Jimco-December-22-2023-{HMC}  La taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya,  ayaa sheegay, in illaa iyo bisha febraayo ee sanadkan uu qaadan doono howlgalka kooxda Shabaab looga xoraynayo Galmudug iyo Hirshabeelle.

La taliyaha amniga ayaa sheegay, inuu howlgalka hadda dib u bilowday, ka dib markii waddooyinkii ay biyuhu xireen dib u furmeen.

Wuxuu sheegay, dowladda Soomaaliya iyadoo cashar ka qaadanaysa weeraradii khasaaraha badan dhaliyay ee dhacay, inay si feejignaan ah ay dib ugula wareegayso degaannadii ay kasoo baxeen ciidamada dowladda.

“Dagaalka Ka dhanka ah Khawaarijta Wajigiisiii koobaad waa soo afmeermay, waxaana qorshaha noogu jiro in si dhaqsi leh loo soo afjaro dagaalkaan ka hor Bisha February ee 2024,” ayuu yiri la taliyaha amniga qaranka.

Wuxuu sheegay, Soomaaliya inay guul weyn u tahay, iyadoo aan kaashanayn ciidamo shisheeye inay ciidamadeeda qalabka sida iyagu dagaal kala hortageen kooxda Alshabaab.

La taliyuhu wuxuu sheegay, howlgallada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland inay ku yimaadeen dib u dhac sababa la xiriira roobabka kala xiray waddooyinkii la mari lahaa.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA