Tuesday, April 16, 2024
spot_imgspot_img

Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay dilka horjooge sare oo lagu Magacaabo Macalin Ayman

Jimco-December-22-2023-{HMC} Hawlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Mareykanka ayaa lagu dilay Macalin Ayman oo ahaa horjooge sare oo katirsanaa kooxda Alshabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay macalin Ayman inuu ahaa horjooge ka dambeeyay abaabulka weeraro Shabaabku ka geysteen gudaha dalka iyo dalalka dariska, dilkiisuna uu yahay qodax ka siibantay dadka Soomaaliyeed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sheegtay inay ka go’an tahay beegsiga horjoogayaasha Alshabaab iyo dagaalamayaasha kooxdaas. Waxayse tilmaamtay inay weli fursad u haystaan in ay isku soo dhiibaan dowladda dibna dadkooda uga mid noqdaan si ay naftooda uga badbaadsadaan hawlgalka Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah.

{DAAWO MUUQAALKA} Wasaaradda Amniga Soomaaliya oo mudo ka dib yeelatay Wasiir rasmi ah.

Talaado 16 April ,2024 {HMC} Wasaaradda Amniga Soomaaliya oo mudo ka dib yeelatay Wasiir rasmi ah. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA. https://youtu.be/UptchzycyEA

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 15-04-2024

Isniin 15 April , 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn. Warka waxaa soo jeedinayo :Abdimajiid...

WARARKA