Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay dagaalka AS, shaaciyeyna arrin ka go’an

Jimco-December-22-2023-{HMC}  Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyey masjidka madaxtooyada ayaa ka hadlay halka uu marayo dagaalka AS ooga xoreynayo dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka la amray inay dhaqaaqaan, isla markaana lagu howlan yahay sidii AS loogu furi lahaa furimo dagaal oo hor leh, si khatartooda loo dhaafiyo umadda.

“Maalin kasta dhaar iyo sidaan ayaan yeeleynaa kuma jireyno, kama caajiseyno ciribtirka as, waa naga go’antahay waana soconaa, cabsi gelinta iyo wixii ay ku samey jireen dadkaan kuma sii fiirsa karno,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ciidamadu ay maalin kasta jaraan Kiilo-mir hor leh, isla markaana ay dowladiisa ka go’antahay inay muddo kooban ku soo afjarto kooxda AS.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in hal fursad ay u furan tahay horjoogayaasha AS, taasi oo ah inay isku dhiibaan dowladda, xubnaha ajaanibta ahna ay dib ugu laabtaan dalkoodii.

“Fursada kaliya ee maanta ay heystaan waa in kuwa Soomaalida ah ay dadkooda iyo dowladooda isku soo dhiibaan, kuwa ajaanibta ahna ay ku laabtaan dalkoodii,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda uu hoggaamiyo aysan iska dhaafi doonin as  taas oo sababi doonta inay sii wadaan xasuuqii ay ku hey-jireen shacabka Soomaaliya.

“Dadkeygu ha ogaadaan maalin walba ciidanku horay ayey u socdaan dhul cusub ayey xoreeyaan, dalkeenu waa balaaran yahay, meelo howd ah oo ay ku dhuuntaan ama inay gaadmo wax ku dilaan waa iska dhici doontaa, waana dabeecadaha dagaalka,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa aad u amaanay ciidamada dadka deegaanka oo ku shaqeeya duruuf adag, “Waxaa nagu waajib ah in ciidamdaas aan abaabulno oo garab istaagno, hiil iyo hoo, nin kasta waxa uu awoodo ayey maanta nooga baahan yihiin,” ayuu khudbadiisa ku soo gabagabeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA