Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Markab weyn oo koox Soomaali ah ay Ka afduubteen Biyaha Bada Cas.

Jimco-December-22-2023-{HMC} – Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa markabka weyn ee Ruen ee biyaha Soomaaliya ay ku afduubatay burcad-badeeda Soomaaliya, kaasi oo ay saaran yihiin 18 qof oo shaqaale ah, sida uu sheegay Midowa Yurub.

Sidda laga soo xigtey ciidamadda ilaalada xeebaha Midowga Yurub, mid kamid ah shaqaalihii saarnaa markabka ayaa la sheegay in laga saaray sababo caafimaad oo aan la ogeyn.

Ciidamada EUNAVFOR ayaa tibaaxay in ay kala shaqeynayaan mas’uuliyiinta Soomaalida sidii loosoo furan lahaa markabka la afduubay Khamiistii lasoo dhaafay, isagoo intaa ku daray in haybta iyo dalabaadka afduubayaasha ay weli tahay qarsoodi.

Haddii la xaqiijiyo in falkan ay geysteen burcad badeed Soomaali ah, waxa ay noqon doontaa afduubkii ugu horreeyay ee lagu guuleysto tan iyo sanadkii 2017-kii.

Markabka waxaa maamula shirkadda maraakiibta ee Bulgaria ee Navibulgar. Mas’uuliyiinta Bulgaria ayaa caddeeyay in shaqaalaha markabka ay u kala dhasheen Angola, Bulgaria iyo Myanmar.

Dhacdadan ayaa ku soo beegantay iyada oo xaalad ammaan ee badda ay ka jirto Badda Cas markii Xuutiyiinta Yemen ay begesadeen maraakiibta ganacsiga iyaga oo taageeraya Xamaas ee Gaza.

Dhanka kale, shan qof oo Soomaali ah ayaa la qabtay kadib markii ay isku dayeen in ay afduubtaan markab ganacsi oo marayey gacanka Cadmeed kuwaas oo aan la ogayn halka ay ku dambeeyaan.

 

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA