Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Qaar ka mid ah xubnaha xukuumadda Saciid Deni oo u Ololeeynaya musharaxiin kale.

Jimco-December-22-2023-{HMC} – Qaar kamid ah mas’uuliyiinta xukuumadda Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si hoose ugu ololaynaya musharrixiin kale, sida ay sheegayaan xogo lagu kalsoon yahay.

Mas’uuliyiinta oo ay ku jiraan wasiiro iyo wasiiro ku xigeenno ayaa si qarsoodi ah ugu biiray ololaha doorashada musharrixiinta kursiga kula loollamaya Siciid Deni.

Tallaabadan ayaa sida la saadaalin karo hoos u dhac ku keeni karta ololaha dib-u-doorashada musharrax Siciid Deni, maadaama xubno ka tirsan dowladdiisa ay u ololaynayaan musharrixiin kale.

Doorashadii Puntland ee 2019 ayaa lagu xasuustaa in mas’uuliyiin ka tirsanaa xukuumaddii Gaas ay si hoose ugu ololayn jireen musharrixiin uu ku jiro Siciid Deni taasi oo wiiqday dib-u-doorashadii Cabdiweli Gaas.

Saciid Deni ayaa hadda u muuqda inuu marayo isla dhabbahaas, waxaana tani ay meesha ka saari kartaa hamigiisa ah in mar kale dib loogu doorto madaxweynaha Puntland.

Dhinaca kale, guddoomiyihii golaha Wakiilada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa mar kale xaqiijiyay kursigiisa xildhibaanimo ee Baarlamanka cusub sida ay tilmaamayaan warar hordhac ah.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in guddoomiye Cabdirashiid uu mar kale ka soo muuqaan doono liiska sagaalka xildhibaan ee laga soo doorto Sanaag iyo Haylaan.

Liiska sagaalka xubnood ee ka imaanaya Sanaag iyo Haylaan ayaa lagu wadaa in dhawaan loo gudbiyo guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada iyo ansixinta Baarlamanka Puntland.

Dhinaca kale weli ma cadda in Abwaan Cabdirashiid uu mar kale u tartamayo kursigiisi guddoomiyaha Baarlamanka dowladda Puntland iyo in kale inkastoo hadal-hayntaasi jirto.

 

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA