Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Wararkii Ugu Dambeyay Dagaal 70 xubnood looga dilay Kooda AS oo ka dhacay….

Jimco-December-22-2023-{HMC}  Warbaahinta Maamulka Jubbaland ayaa baahisay in in ka badan 70 xubnood As looga dilay dagaal culus oo maanta ka dhacay gobolka Jubada Hoose.

Ciidamada Jubbaland iyo Guutada 16-aad ee kumaandooska Danab ayaa galay godad waaweyn oo gabaad u ahaa kooxda As, halkaasna waxaa lamsheegay inuu ka dhacay dagaal aad u qaraar oo looga guuleystay kooxda.

Deegaanka uu dagaalkaasi ka dhacay ee AS lagu weeraray waxaa lagu magacaabaa Aboodin, wuxuuna ka tirsan yahay gobolka Jubada Hoose.

“70 tiro kor u dhaafeysa oo isugu jira maleeshiyaad iyo horjoogayaal ayaa looga dilay Khawaarijta dagaalkaas oo ahaa mid toos ah iyo duqeymo xaga cirka ah oo ay fulinayeen diyaaradaha saxiibada Soomaaliya ka caawiya la dagaalanka argagaxisada,” ayaa lagu yiri war uu baahiyey TV-ga Jubbaland.

Dadka deegaanka Aboodin ayaa  xaqiijiyey in kooxda AS ay ka baxeen halka uu dagaalka ka dhacay, iyaga oo wata meydad tiro badan iyo dhaawacyo.

Sidoo kale warbaahinta Jubbaland waxay baahisay qeyb ka mid ah muuqaal laga duubay dagaalka lagu dilay xubnahaas Shabaabka ah oo toos u socda, ciidamada Danab ayaa laga duubay muuqaalkaas, waxaana la arkayaa iyagoo toos u dagaalamaya.

Maalmahaan as-ka dagaalamaya Jubbaland waxaa ku socda howlgallo culus, habeen hore galbeedka Kismaayo howlgallo ka dhacay waxaa lagu laayey horjooge sare iyo maleeshiyaadkiisii, kuwaas oo halkaas lagu soo afjaray, sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka ciidamada Jubaland.

Sidoo kale duqeymo culus ayaa ka dhacay magaalooyin ay ku jirto Jilib, waxaana lagu beegsaday xubno sare oo AS ah oo uu ku jiro sarkaal lagu magacaabi jiray Daa’uud Khaliif, kaas oo horay Mareykanku uu madaxiisa u dul dhigay 10 milyan oo dollar.

Sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada, deegaanada Jubbaland waxaa toos uga bilowday wajiga labaad ee dagaalka AS, kaas oo dowladda Soomaaliya ay qorsheysay in Jubaland iyo K/Galbeed uu ka bilowdo markii Galmudug iyo HirShabeelle lagu soo xoreeyo wajiga koowaad.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA