Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Weerarada Xuutiyiinta Yemen ee Badda cas oo Saameeyn xoog leh Ku yeeshay Israel

Jimco-December-22-2023-{HMC} Dekadda Badda Cas ee Israa’iil ayaa la sheegay in dhaqdhaqaaqeedii uu hoos u dhacay kadib weerarrada Xuutiyiinta ay hayaan maraakibta taga ama ka soo baxaya dekedaas

Dekadda Eilat ee Israa’iil ayaa la arkay %85 boqolkiiba dhaqdhaqaaqa oo hoos u dhac ku yimid tan iyo markii fallaagada Xuutiyiinta Yemen ay kordhiyeen weerarada ay ku hayaan maraakiibta mareysa Badda Cas, sida uu sheegay madaxa fulinta ee dekedda.

Eilat, oo inta badan gacanta ku haysa baabuurka laga soo dejiyo ayaa aad uga yar dekedaha kale ee Israa’iil ee Mediterranean-ka ee Haifa iyo Ashdod, kuwaasoo gacanta ku haya inta badan ganacsiga waddanka.

Dhinaca kale Waxaa jiray duqeymo cusub oo ay isweydaarsadeen militariga Israa’iil iyo kooxda Xisbullah xadka Lubnaan.

Dhowr weerar ayaa laga soo qaaday Lubnaan kuwaasoo lagu duqeeyey aagagga Dovev, Avivim, iyo Har Dov ee u dhow xudduudda waqooyiga Israa’iil.

Xisbullah ayaa bayaan uu soo saaray khamiistii ku sheegay inay shan weerar ku qaadeen Israa’iil kuwaasoo isugu jiray gantaallo iyo dayaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Haweeney da’ ah ayaa lagu dilay gurigeeda taasoo dhalatay weerar ay Israa’iil ku qaaday degaanka Maruun al-Ras ee koonfurta Lubnaan subaxnimadii hore ee Khamiista, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Qaranka Lubnaan.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA