Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

DFS oo ka Hadashay Duqeyn ka dhacday saldhig weyn oo kooxda AS ku diyaarinayeen Qaraxyo

Sabti-December-23-2023-{HMC}  Diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka oo garab ka helayay ciidanka xoogga dalka ayaa saakay aroor hore weerar dhinaca cirka ah ku qaaday saldhig weyn oo kooxda AS ku lahaayeen koonfurta gobolka Mudug.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in weerarka saakay aroor hore dhacay lagu beegsaday howdka Jeexjeexa oo u dhexeeya deegaannada Caad iyo Cadaley, halkaas oo ay isku aruursanayeen dagaalyahanno katirsan as.

Saraakiil katirsan milatariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in duqeynta lala beegsaday gaadiid kooxda As qaraxyo ku diyaarinayeen, waxa ayna xuseen in weerarkaasi khasaaro badan lagu gaarsiiyay AS.

Diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha dhinaca cirka ah ay ku beegsanayaan kooxda Al Shabaab, duqeymo maalmihii lasoo dhaafay dhacay ayaana lagu dilay saraakiil iyo dagaalyahnno katirsan AS.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA