Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Dowlada Uk oo Soomaaliya ugu deeqay 9 milyan oo Doollar

Sabti-December-23-2023-{HMC}  Xafiiska Arrimaha Dibadda, Barwaaqo-sooranka & Horumarinta ee loosoo gaabiyo (FCDO) ee Dowladda Ingiriiska u qaabilsan Horumarinta Dibadda ayaa Soomaaliya ugu deeqday lacag dhan $9 milyan oo Doollar oo lagu darayo mashruuca ADRifi

 

Mashruucaan waa mid Bangigaga Horumarinta Afrika oo Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka SODMA ay fuliye ka tahay, Xafiiska ayaa ballanqaadkaan sameeyay intii lagu guda jiray shirkii Caalamiga ahaa ee lagu falanqaynayay arrimaha isbaddelka cimiliiada COP28 ee ka dhacay Isutagga Imaaraatka Carabta

 

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa deeqdaan uga mahadceliyay Xafiiska Arrimaha Dibadda, Barwaaqo-sooranka & Horumarinta {FCDO} ee Dowladda Ingiriiska u qaabilsan Horumarinta Dibadda isaga oo sheegay in uu ku ammaanan yahay kaalintaan

 

Tallaabadaan waa mid ka qaybqaadan karta xakamaynta iyo wax ka qabashada xaaladaha bani aadamnimo ee Soomaaliya sida raadadkii ay ka tageen abaaraha, Daadadka Roobka Dayrta ee curtay horraantii Oktoobar 2023 & Fatahaadda Webiyada Dalka.

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA