Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Dowladda Soomaaliya oo Faah faahisay khasaaraha ka dhashay weerarkii Jeexjeexa ka dhacay

Sabti-December-23-2023-{HMC}  Diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka ayaa xalay saqdii dhaxe iyo saakay aroortii hore duqeymo dhinaca cirka ah ku garaacay dhulka Howdka ah ee Jeexjeexa oo u dhexeeya deegaannada Caad iyo Cadaley ee Koofurta gobolka Mudug

 

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Cadow ayaa sheegay in weerarka lagu beegsaday goob ay isku aruursanayeen dagaallamayaal katirsan A,s , sidoo kale lagu diyaarinayay qaraxyo baabuur

 

Waxa uu sheegay taliyaha in howlgalka ka dhacay howdka Jeexjeexa lagu dilay 50 xubnood oo katirsan kooxda A.s , kuwaa oo isugu jira saraakiil iyo dagaalyahanno, waxa uuna intaa ku daray in weerarka lagu dhaawacay 40-dagaalyahan oo kale

 

Weerarkan ka dhacay koonfurta gobolka Mudug ayaa imaanaya xilli ciidamada dowladda ay wadaan howlgalo ay ku doonayaan in guud ahaan A,s kaga saarayaan gobolkaasi, gaar ahana dhulka howdka ah ay ku dhuumaaleesanayaan.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA