Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Kooxa burcadbadeeda ah oo markab labaad mar kale ku afduubtay xeebaha dalka Somalia

Wararka naga soo gaaraya xeebaha bari ee Puntland ayaa sheegaya in mar kale kooxaha burcadbadeeda Soomaalida ay qaadeen weeray cusub oo ay kusoo afduubteen markab 2aad, xilli uu marayay meel u dhow xeebaha degmada Eyl

 

Warbixin kasoo baxday hay’adda la socodka ganacsiga badaha ee dalka Britain ayaa lagu xaqiijiyay weerarkan oo dhacay Jimcihii shalay, kaas oo lagu afduubtay markab yar

 

Hay’adda ayaa shaaca ka qaaday in koox hubeysan oo burcadbadeed ah ay markabkaas oo ahaa mid ganacsi ay ku qabteen xeebaha Puntland, balse ay haatan wadaan baaritaano

 

Sidoo kale waxa ay hay’addu sheegtay inay la hadashay mas’uuliyiinta shirkadda iska leh markabkaas oo xaqiijiyay inuu u gacan galay kooxaha burcadbadeeda Soomaalida

 

Tani ayaa sii kordhineysa welwelka laga qabo in burcadbadeedda Soomaalida ay mar kale dib usoo laba kacleeyeen, kadib muddo ay ka caaganayeen xeebaha Soomaaliya

 

Weerarkan waxaa ka horreeyay mid kale oo laba todobaad ka hor ka dhacay Badda Gacanka Cadmeed, kaas oo lagu soo afduubtay markab weyn oo lala soo aaday xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan deegaannada xeebaha ee bariga maamul goboleedka Puntland

 

Markabkaas ayaa lagu magaacaabaa Ruen, waxaanalaga leeyahay dalka Bulgaria, balse waxa uu ku socdlaayay calanka Malta, isaga oo ku soo jeeday dhanka Soomaaliya

 

Wararka ayaa sheegaya in haatan markabkaas uu ku sugan deegaanka Durdura oo qiyaastii 250km dhanka bari kaga beegan magaalada Boosaaso halkaas oo uu baroosinka dhigtay, ka dib markii uu joojiyey socodkii uu dhowrkii cisho ee la soo dhaafay uu sameynaayay

 

Dhanka kale ciidamada badda ee Ururka Midowga Yurub ayaa dhankooda wada dadaallo dheeraad ah oo ku aadan weerarada burcadbadeeda Soomaalida, si looga hortego

 

Afduubkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo ka dhaca Xeebaha Soomaaliya ku dhowaad 10 sano, taas oo kasoo bilaabaneyso sanadkii 2017-kii oo laga adkaaday burcadbadeeda.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA