Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Kooxaha burcadbadeeda oo markab labaad ku afduubtay xeebaha Somalia

Sabti-December-23-2023-{HMC}  Wararka naga soo gaaraya xeebaha bari ee Puntland ayaa sheegaya in mar kale kooxaha burcadbadeeda Soomaalida ay qaadeen weeray cusub oo ay kusoo afduubteen markab 2aad, xilli uu marayay meel u dhow xeebaha degmada Eyl.

Warbixin kasoo baxday hay’adda la socodka ganacsiga badaha ee dalka Britain ayaa lagu xaqiijiyay weerarkan oo dhacay Jimcihii shalay, kaas oo lagu afduubtay markab yar.

Hay’adda ayaa shaaca ka qaaday in koox hubeysan oo burcadbadeed ah ay markabkaas oo ahaa mid ganacsi ay ku qabteen xeebaha Puntland, balse ay haatan wadaan baaritaano.

Sidoo kale waxa ay hay’addu sheegtay inay la hadashay mas’uuliyiinta shirkadda iska leh markabkaas oo xaqiijiyay inuu u gacan galay kooxaha burcadbadeeda Soomaalida.

Tani ayaa sii kordhineysa welwelka laga qabo in burcadbadeedda Soomaalida ay mar kale dib usoo laba kacleeyeen, kadib muddo ay ka caaganayeen xeebaha Soomaaliya.

Weerarkan waxaa ka horreeyay mid kale oo laba todobaad ka hor ka dhacay Badda Gacanka Cadmeed, kaas oo lagu soo afduubtay markab weyn oo lala soo aaday xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan deegaannada xeebaha ee bariga maamul goboleedka Puntland

Markabkaas ayaa lagu magaacaabaa Ruen, waxaanalaga leeyahay dalka Bulgaria, balse waxa uu ku socdlaayay calanka Malta, isaga oo ku soo jeeday dhanka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in haatan markabkaas uu ku sugan deegaanka Durdura oo qiyaastii 250km dhanka bari kaga beegan magaalada Boosaaso halkaas oo uu baroosinka dhigtay, ka dib markii uu joojiyey socodkii uu dhowrkii cisho ee la soo dhaafay uu sameynaayay.

Dhanka kale ciidamada badda ee Ururka Midowga Yurub ayaa dhankooda wada dadaallo dheeraad ah oo ku aadan weerarada burcadbadeeda Soomaalida, si looga hortego.

Afduubkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo ka dhaca Xeebaha Soomaaliya ku dhowaad 10 sano, taas oo kasoo bilaabaneyso sanadkii 2017-kii oo laga adkaaday burcadbadeeda.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA