Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Magaca Sargaal Sarre oo AS looga dilay nawaaxiga Dagmada Jilib oo la shaaciyay

Sabti-December-23-2023-{HMC} Soomaaliya – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay duqeyn diyaaradaha Mareykanka ay Axaddii ka fuliyeen meel u dhow magaalada Jilib.

Muqdisho ayaa warisay in howlgalka lagu dilay Macalin Ayman uu ahaa mid ka dhashay wadashaqeyn dhexmartay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka.

“Dilkiisu waa qodax laga saaray shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay maanta oo Khamiis ah Wasaaradda Warfaafinta.

Macalin Ayman ayaa, sidda ay muujinayaan macluumaad dhanka mukhaabaraadka ah, waxa uu ku lug lahaa weerarrada Al-Shabaab ay ka fuliyaan gudaha Soomaaliya iyo Kenya.

Dhanka kale, Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa xaqiijiyay in duqeynta oo ka dhacday meelku dhow degmada Jilib ay ku dileen hal dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab.

AFRICOM oo soo saartey war-saxaafadeed aysan la socon fahfaahin dhameystiran ayaa waxa ay ku sheegeen in  aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray dadka rayidka ah.

Horaantii sanadkan, Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa abaal-marin lacageed oo dhan $10 milyan dul-dhigtay Macallin Ayman.

Ayman ayaa lagu eedeeyay in uu qeyb ka ahaa abaabulka weerarkii argagixisanimo ee Janaayo 5, 2020 ee lagu qaaday milatariga Mareykanka iyo Kenya ee ku sugnaa garoonka Manda Bay Airfield ee Kenya.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA