Monday, April 22, 2024
spot_imgspot_img

Booliiska Soomaaliya oo Muqdisho soo bandhigay nin dil ka soo geystay dalka Kenya

Axad-December-24-2023-{HMC} Taliska ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta kusoo dhigeen oo la xiray eedeysane dil kas geystay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, kaasi kasoo baxday laamaha amniga dalkaasi.

 

War Qoraal ah oo kasoo baxay Booliska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo gudanaya waajib ka saaran ilaalinta sharuucda dalka ay soo xireen eedeysane baxsad ah, laguna magacaabo Axmed Cabdiraxmaan Cabdullaahi.

 

Taliska ayaa sheegay in eedeysane Axmed Cabdiraxmaan uu gudaha Kenya ku dilay Marxuum Maxamed Xasan, isla markaana uu kasoo baxsaday magaalada Nairobi.

 

Qoraalka Booliska dowladda Soomaaliya soo saaray ayaa intaas lagu sii daray in Axmed Cabdiraxmaan Cabdullaahi la horgeyndoona Cadaalada. Ma jiro weli wax war ah oo kasoo baxay Booliska Kenya oo ay uga hadlayaan falkaasi ka dhacay dalkooda.

{DAAWO MUQAALKA} Deeq dawo ah oo lagu wareejiyay wakiilka Xanaanada Xoolaha maamulka Gobalka Banaadir.

Isniin April 22, 2024 {HMC} Deeq dawo ah oo lagu wareejiyay wakiilka Xanaanada Xoolaha maamulka Gobalka Banaadir. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/sVmyJ3x1fts

{DAAWO MUQAALKA} Agab caafimaad oo lagu wareejiyay Isbitaalka guud ee degmada Marka ee gobalka Shabeellada Hoose.

Isniin April 22, 2024 {HMC} Agab caafimaad oo lagu wareejiyay Isbitaalka guud ee degmada Marka ee gobalka Shabeellada Hoose. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/JMgEUvPuvOo  

WARARKA