Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Ciidamada Amaanka Muqdisho oo Bilaabay Howlgal aan noociisa Horay Looga Sameyn Gobolka Banaadir.

Axad-December-24-2023-{HMC} Laamaha ammaanka caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa bilaabay howlgal ay dadka uga uruurinayaan koofiyadaha iyo cimaamadaha, sidda ay Warbaahinta u sheegeen illo kala duwan.

 

“Howlgalkan waxaa fulinaya ciidamo lagu daadiyay isgoyska magaala madaxda kuwaas oo dadka iyaga oo aanan wax fahfaahin ah siinin ku amraya in ay soo wareejiyaan labadaas shey,” ayuu yiri hal illo wareed.

 

“Haweenka qudhooda waxaa lagu amrayaa in ay furaan Indho-shareerka,” ayuu yiri qof kale oo xog-ogaal ah. “Illaa hadda, ma aanan arag haween laga qaadayo Indho-shareerka ama lagu amrayo in ay wareejiso”.

 

Ma jirto cid kamid ah hay’adaha nabad-gelyadda dowladda federaalka oo si rasmi ah ugu dhawaaqdey go’aankan lagu joojinayo in magaalada lagu dhex-qaadan karin Koofiyad, Cimaamad iyo Indho-shareer.

 

Balse, talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli bishii lasoo dhaafay ay caasimada wajahdey weeraro taxano qaraxyo ah kuwaas oo lagu beegsaday xarumo ganacsi oo amarka dowlada ku xirtey kaamirooyinka CCTV.

 

Sarkaal ka tirsan laamaha ammaanka Soomaaliya oo codsadey in aan magaciisa lo isticmaalin wrbaahinta ayaa si hoose ugu xaqiijiyey Warbaahinta Muqdisho in labadan amar kala dambeeyay “aysan u wada dhameyn si guud hay’adaha nabad-gelyadda”.

 

“Xataa latashi guud lagama sameyn isakaba daa in loo sameeyo sharci ama wargelin guud loo siiyo dadweynaha si ay ugu nagaluglaadaan ciidamadda taas oo baajin karta isku-dhac dhiig ku daato,” ayuu hadalkiisa kusii daray.

 

Muqdisho ayaa xasilooni amni ku naalooneysa ku dhawaad muddo sanad ah iyadda oo aysan ka dhicin wax qaraxyo ah ama weerar lagu galay xarumo dowladeed, hoteelo ama maqaayado ay dadka shacabka ah ku badan yihiin.

 

Isbedelkan amni ayaa waxaa loo aaneynayaa in kooxda Al-Shabaab uu dagaal uga furan yahay furimaha dagaalka isla markaana aysan fursad u helin in ay carqaladeyso nabad-gelyadda fariisinka dowlada federaalka Soomaaliya.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA