Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} G/G/Banaadir oo dhagax dhigay Dhismaha Laami cusub.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale {Madaale} ayaa dhagax-dhigay dib-u-dhiska Wadada Laamiga ee isku xera Isgoyska Kaaraan illaa Aargada Liido ee Degmooyinka Cabdicasiis iyo Kaaraan.

Mashruucan oo ay ka iska kaashanayaan maamulka gobolka Banaadir, kan degmada iyo dadka degaanka ayaa qeyb ka ah Barnaamijka dalkaaga ku dhiso hal doolar.

Dhagax-dhiga wadadaan oo noqoneysa wadadii 15-aad ee uu dhagax-dhigo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale {Madaale} mudada sanadka iyo billooyinka ah ee uu xafiiska joogo, ayaa waxa ay door muhiim ah ka qaadaneysaa fududeynta isku socodka Bulshada ku dhaqan Gobolka Banaadir iyo Dalxiiska xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho.

Munaasabadda Dhagax-dhiga ayaa waxaa goobjoog ka ahaa; Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye {Yabooh}, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Guddoomiyaha Degmada Kaaraan, Kusimaha Guddoomiyaha Degmada Cabdicasiis iyo qeybaha kala gedisan ee bulshada labada Degmo.

Qaar ka mid ah wadooyinkii uu bilo ka hor dhagax dhigay Gudoomiye Madaale ayaan weli wax dhisme ah laga bilaabin sida jidka dheer ee Buundooyinka oo aad u burbursan halka qaar kalena dhismahooda ay socdaan.

   

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA