Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Gaari ay lahayeen Shirka Hormuud oo la qarxiyay iyo shaqaale ka tirsan shirkadaas oo ku Geeriyooday

Axad-December-24-2023-{HMC} Waxaa soo baxaya faahfaahino la xiriira Qarax lagu xiray gaari noociiisa yahay Noah oo ay leedahay shirkada isgaarsiinta Hormuud kaasoo shalay ka dhacay degmada Hiliwaa ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxaas ayaa la sheegay inuu ku dhintay Cabdiwahaab Cismaan Axmed oo ka mid ahaa shaqaalaha shirkadda Isgaarsiinta Hormuud xarunteeda degmada Heliwaa, halka dhaawacyo culus ay ka soo saareen labo kale.

Qaraxaan ayaa yimid xili 10 maalmood ka hor qarax weyn oo nooca miinada dhulka lagu aaso ah duleedka Muqdisho lagula eegtay gaari ay lahayd Shirkadda Hormuud kaasoo sababay dhimashada Axmed Cumar cabdulle oo ka tirsanaa Shaqaalaha Shirkadda.

Waxaa xusid mudan in bishii November ee sanadkaan qaraxyo is xigxigey lala beegsaday qaar ka mid ah laamaha shirkaddu ku leedahay Xero-Jarmal {Xarutii Tababarka Farsamada Gacanta} ee Degmada Dayniile & BTS-kii degaanka Muusaaley ee Ceelasha biyaha.

Lama oga sababta loo beegsanaayo gawaarida iyo laamaha shirkadda isgaarsiinta Hormuud, mana jirto cid ilaa iyo hada sheegatay masuuliyadda qaraxyadan

Laamaha amaanka DF iyo maamulka shirkadda Hormuud ayaan ka hadlin illaa hadda qaraxyada iyo dilalka ku socda shaqaalaha shirkada Hormuud oo ah mida ugu weyn dhinaca Isgaarsiinta Somalia.

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA