Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Dowladda KENYA oo Sarkaal Ka Tirsan ciidamadeeda u Xirtay Shabaabnimo

Axad-December-24-2023-{HMC} Ciidamada ammaanka ee dalka Kenya ayaa Sabtidii shalay soo qabtay sarkaal kamid ah ciidamada dalkaas oo looga shakiyay inuu gacan saar la leeyahay kooxda As ee ka dagaalanta Soomaaliya, sidoo kalena weerarta dalkaasi.

Sarkaalka lasoo xiray ayaa ka howl-galayay deegaanka Likono ee ismaamulka Mombasa, wuxuuna Kenya u qaabilsanaa qorista ciidamada cusub ee ku biiriya Booliskeeda.

Wararka ayaa sheegaya in dhaq-dhaqaaqa ninkan laga shakiyay, kadibna ay soo xireen ciidamada sida gaarka ula dagaalama waxa loogu yeero argagixisada.

Warbixino dabagal ah oo lagu sameeyay ninkan ayaa muujinaya inuu jiro tuhun xoogleh oo ku aadan inuu si hoose ula shaqeynaya As, uuna qorayay dhalinyaro cusub, isaga oo sidoo kale wata shaqadii uu hayay dowladda, maadaama uu yahay sarkaal boolis ah.

Sidoo kale waxaa haatan bilaabatay maxkamadeynta sarkaaalkan oo loo haysto 4 dacwadood oo ay ka mid yihiin la shaqeynta as iyo inuu colaad ka horinayay gobolka,

Sarkaal lasoo xiray ayaa horay sidaan oo kale gacanta loogu soo dhigay, kadib shaki soo galay, balse waa uu iska bari yeelay, kadibna sidaas ayaa lagu sii daayey.

Laamaha ammaanka Kenya oo kiiskan gacanta ku haya ayaa sheegay in marka uu soo dhamaado baaritaankood ay natiijada las wadaagi doonaan warbaahinta.

Kenya ayaa waxaa inta badan howlgallo culus ka fulisa kooxda As oo beegsata ciidamada booliska iyo xarumaha muhiimka ah ee ku yaalla gudaha waddankaasi.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA