Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Firdhiye oo ku baaqay shirwayne SSC-Khaatumo & Puntland ay uga arrinsanayaan waxa ka dhaxeeya

Axad-December-24-2023-{HMC} Hoggaamiyaha Maamulka Kumeel-gaarka ah ee SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye oo Warbaahinta la hadlay ayaa ku baaqay shirwayne ay isugu imaanayaan Maamulkiisa & Dowlad-Goboleedka Puntland si ay uga arrinsadaan wax aka dhaxeeya.

Firdhiye ayaa sheegay in Maamulka SSC-Khaatumo iyo Dowlad-Goboleedka Puntland ay yihiin labo Maamul oo deris ah kana dhaxeeya xiriir wanaagsan oo mid ehel iyo mid siyaasad ah loona baahan yahay in dhinac weliba uu dhanka kale xushmad u muujiyo.

Duubabka dhaqanka, Siyaasiyiinta iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada ayuu Cabdulqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye hoggaamiyaha Maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo usoo jeediyay in ay isugu yimaadaan kulankaan uu ku tilmaamay mid muhiim ah.

Ma sheegin waqtiga kulanka uu dhacayo & halka gogasha la dhigayo balse waxa uu carrabka ku adkeeyay in aan kulankaan looga maarmin sidii Maamulkiisa SSC-Khaatumo & Dowlad-Goboleedka Puntland uga wadahadli lahaayeen danaha isaga darsan.

“Maanta deegaanka kan laguma muransana oo Dadkii iska lahaa ayaa u tashaday oo maamul ay leeyihiin ayaa gacanta u haya, cid weliba waxa aan ugu baaqayaa rabitaanka & metalaadda Shacabka SSC-Khaatumo, xiriirka labada dhinac ma ahan mid goyn kara qaraar ama heshiis maalin lasoo saaray ee waa mid ku salaysan ehelnimo & derisnimo, waxa aan ku baaqayaa shirwayne SSC-Khaatumo & Puntland ay uga arrinsanayaan waxa ka dhaxeeya” Cabdulqaadir Firdhiye, Hoggaamiyaha Maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo.

Garaadada Dhaqanka ee SSC-Khaatumo oo maalmihii u dambeeyay kulamo gaar gaar ah ku lahaa Magaalada Laascaanood ayaa ugu dambeyn soosaaray go’aamo ay ugu wayn yihiin in aanay jiri doonin Xildhibaanno ku metalaya Dowlad-Goboleedka Puntland.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA