Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Wiilka Falastiiniga ah ee geeridiisa ka dib ay u rumowday riyadiisii ahayd inuu caan ka noqdo YouTube-ka

Axad-December-24-2023-{HMC} Cawni Dowsi oo ahaa wiil yar oo 13-jir reer Falstiin ah doonayayna in mar uu caan ka noqdo barta Youtube-ka ayay arrintaas uu muddo dheere ku hamminayay u rumowday kadib markii uu geeriyooday.

Muqaal la soo galiyay bishii Agoosto 2022, waxa uu haystaa makarafoon isaga oo dhoolla caddaynaya waxaana uu sheegay in hammi weyn uu ka leeyahay kanaalkiisa YouTube-ka.

“Hadda aan iskiin baro, waxaan ahay Falastiini daggan Marinka Qasa, da’daydu waa 12 jir, ujeeddada kanaalkan waa in aan gaaro 100,000 kun, 500,000, ama hal milyan, oo saaxiibbo igu xiran ah” ayuu yiri.

Hal sano ka dib, Cawni waxa uu noqday mid ka mid ah carruurtii Falastiiniyiinta ee ugu horreysay ee lagu dilo dagaalka.

Ehellada ayaa sheegay in guriga qoyska Cawni lagu garaay duqeeymo ay fuliyeen ciidanka Israa’iil 7-dii Oktoobar, saacado uun ka dib markii rag hubaysan oo Xamaas ah ay soo galeen xadka Israa’iil, halkaas oo ay ku dileen ilaa 1,200 oo qof, 240 kalena ay qafaasheen.

Muuqaal hordhaca ah oo horey uu u duubay ka hor inta aan la dilin Awaan isla markaana uu ku lahaa waad ku mahadsantihiin saaxiibbada igu xiran in aad i gaarsiisaan 1,000, hadda waxaa daawaday in ka badan afar milyan.

Fiidyow kale oo si cod la’aan ah u ciyaaro tartanka, dagaalka iyo ciyaaraha kubbadda cagta ayaa malaayiin qof oo kale ay daawadeen.

Tirada dadka ku xiran hadda bartiisa waxaa ay gaarayaan ku dhawaad 1.5 milyan walina waa sii kordhayaan.

Dadka ayaa si weyn Faallooyin ugu bixinaya muqaaladii uu horey u soo galiyay “Fadlan na cafi, waxaan jeclaan lahaa inaan ku ogaanno ka hor intaadan dhiman,” ayuu yir mid ka mid ah dadka faallooyinka ka dhiibtay.

Eeddadiis, Calaa, ayaa sidoo kale tir wuxuu ahaa wiil “aad u faraxsan oo isku kalsoon” oo mar kasta albaabka iga furi” Xubin kale oo qoyska ka mid ah ayaa ugu yeedhay in uu ahaa “injineer Cawni” sababt oo ah jacaylkii uu u qabay kombayutarka awgeed.

Mid kale ayaa sheegay in 13-jirka uu astaan u noqday carruurta reer Falastiin ee lagu dilay guud ahan marinka Qasa.

Wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho ee Qasa ayaa sheegtay in in ka badan 20,000 oo qof ay halkaas ku dhinteen tan iyo markii uu dagaalku billowday,in ka badan saddex meelood meel ay carruur yihiin.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta ee Unicef ayaa ku tilmaantay “meesha ugu khatarta badan adduunka ee uu ilmuhu ku noolaado”.

‘Waxay ahayd boom’ lama filaan ah”

Maalintii ay Xamaas weerarka ku qaadday Israa’iil ay billowday duqeeymo aargoosi, Calaa waxay sheegtay gurigooda lagu burburinnay duqeymo culus.

Guriga ay dagganaayeen oo ka kooban saddex dabaq aya ku yaalla xaafadda Saytuun waxaana qeyb kasta ku nool qaar ka mid ah ehalka markii duqeyntu ay dhacaday.

Mid ka mid ah guryaha wuxuu hoy u ahaa Cawni, hooyadiis iyo aabbihiis, laba walaashiis ah oo ka waaweynaa, iyo laba walaalo ah oo ka yaraa.

Duqeyntaan waxaa sidoo kale kale bishii Oktoobar diiwaangelisay hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International.

“Laba bam ayaa si lama filaan ah ugu soo dhacay dhismaha dushiisa, wayna burburiyeen, aniga iyo xaaskayga waxaan nasiib u yeelanay inaan badbaadno sababtoo ah waxaan joognay dabaqa sare,” ayuu Maxamed oo ah Cawni adeerkiisa.

Waxaa uu intaa ku daray in isaga iyo dariska midna aysan ,midna helin wax diginin ah markii ay duqeeymaha lagu dhuftay.

Ciidamada difaaca Israa’iil (IDF) kama aysan hadlin weerarkan, balse waxay sheegeen in ay duqaynayaha ku bartilmaameedsanayaan garabka hubeeysan ee millatariga Xamaas.

Qoraal kasoo baxay ciidanka Israa’iil ayaa laguyir” Weerarka IDF ee bartilmaameedyada millatari waxay ku xiran yihiin qodobbo khuseeya sharciga caalamiga ah, oo ay ku jiraan in la sameeyo taxaddarro macquul ah iyo qiimeyn ka dib in waxyeellada lama filaanka ah ee loo geysto rayidka iyo hantida rayidka aysan ahayn mid xad dhaaf ah” .

Waxay intaas ku dartay in IDF “ay ka xuntahay dhibaato kasta oo loo geysto dadka rayidka ah ama hantida rayidka ah ee ka dhalatay howlgalladeeda, waxayna baarayaan dhammaan howlgalladooda.

‘Wuxuu rabay in taageerayaashiisa uu badiyo

Ala’a oo ahyed walaashiisa ma aysan rumeeysan in geerida walalkeed markii loo sheegay blasé waxaa xaqiiqsatay markii xubno dhawo oo qoyeska ay u sheegeen ayada oo markii ku carartay Isbitaalka .

“Waxaan codsaday in aan arko meydadka, walalkay laakiin ninkeyga wuu diiday waayo wuxuu baqayay in xasuus galo ayay tir qoraal ay soo dhigtay barteeda facebooke ayada oo hadda ku sugan koonfurta Qasa oo ay u barakacday.

Cawni iyo 15 qof oo oo kale oo xubnaha qoyskeeda ah ayaa lagu dilay dagaalka u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas .

Waxay ku tilmaamtay inuu ahaa wiil deggan oo waxtar leh, Aabihii waxa uu ahaa Injineer kombuyuutar.

Wax yar ka dib dhimashadiisa, mid ka mid ah macalimiintiisa ayaa sawir uu kula jira y soo dhigay bartiissa facebooke isaga oo dhoola cadeeynaya.

Qoyska wiilka oo dhan oo ay ku jiraan afar walaalihiisa ah, hooyoadi iyo aabbihii ayaa lala dilay, Balse qaraabadii ka badbaaday weerarka ayaa sheegay in ay ku faanayaan sumcadda uu helay geeridii ka dib wiilkooda.

ISHA BBC

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA