Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Boyad shidaal oo ay leedahay shirkada isgaarsiinta Hormuud oo lagu qarxiyey Magaalada Muqdisho

isniin-December-25-2023-{HMC}- Gaari kuwa shidaalka qaada ah oo ay leedahay shirkada isgaarsiinta Hormuud ayaa maanta lagu qarxiyey xaafada Waxarcade ee Degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.

Ma jiro wax khasaaro nafeed ah oo uu sababay qaraxa laakiin waxaa gabi ahaanba gubtey oo basbeelay booyada iyo shidaalkii ay waday.

Waa qaraxii labaad ee lala beegsado gaari ay leedahay shirkadda Hormuud mudo ka yar 48 saacadood gudahood.

 

Laba maalin ka hor ayey ahayd markii qarax lagu xirey gaari noociiisa yahay Noha oo ay leedahay Hormuud oo ka dhacay isla degmada Hiliwaa ee Magaalada Muqdisho uu sababay dhimashada shaqaale ka tirsan xarunta ay shirkadda ku leedahay degmada Heliwaa, halka sidoo kale dhaawacyo halis ah ka ay soo gaareen hawl-wadeeno kale.

 

Qaraxyada lagu beegsanaayo gawaarida iyo laamaha shirkadda isgaarsiinta Hormuud oo aad usoo batay waayadaan ayaa ilaa iminka inta la xaqiijiyey sababay dhimashada laba ka mid ah shaqaalaha shirkadda, dhaawaca hawl-wadeeno kale iyo burbur xoogan oo hatiyadeed.

 


Ila iyo hada lama oga sababta iyo cida beegsaneysa shirkadda isgaarsiinta mana jirto cid ay laamaha amaanka ay dowlada usoo xireen weeraradaan arxandaradda ah.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA