Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Hub la rabay in la galiyo Magaalada Jigjiga oo La qabtay.

isniin-December-25-2023-{HMC} Ciidamada Booliska Dowlad degaanka Soomaalida gaar a haan qaybta ku qoran rugta baadhista ee magaalo Qaran ay qabteen Baastoolado iyo Rasaastoodii oo la rabay in lasoo galiyo magaalada Jigjiga ee Caasimada Dowlad degaanka Soomaalida.

 

Hubkan la qabtay oo ka koobnaa 5 Bastooladood iyo 200 oo rasaas ah ayaa la sheegay in lagu soo dhex qariyay kuraasta Bas yar oo ay lahayd Shirkad lagu magacaabo Bader oo ka shaqeysa adeegga socdaalka dadweynaha ee guud ahaan degaanka Soomaakida, waxayna ilo xogagaal ahi sheegayaan in sidoo kale gacanta lagu dhigay dadkii iyagu watay Baastooladahan iyo Rasaastaba, isla markaana la xanibay Baskii lagu soo qariyay hubkan.

 

Faahfaahin dheeri ah wali lama helin sidoo kale Xukuumadda degaankuna wali kamaysan hadlin hubkan la qabtay, sidoo kale Shirkaddii lahayd Baska lagu qabtay hubkana wali wax hadal ah kama soo bixin.

 

Falkan Ma aha markii u horreysay ee Ciidamada amniga degaanka Soomaalidu ay qabtaan hub lasoo galin rabay degaanka, waxaana marar kala duwan lagu qabtay isla magaaladan la yiraahdo magaalo Qaran hub kala duwan oo u badan hubka fudud sida Baastoolado iyo waxyaabo lamid ah, inkastoo dhinaca kale markii u horreysay ay noqonayso oo Bas ay leedahay Shirkaddan Bader lagu qabto hub.

 

Magaalo Qaran ayaa ah magaalo ku taal inta u dhaxaysa Wajaale iyo Jigjiga waana magaalo uu ku yaal bar kantarool oo aad loogu baadho gaadiidka iyo dadkaba, waxaana jooga Ciidamada degaanka Soomaalida.

 

Mudooyinkii Danbe waxaa soo badanayay iskudayo badan oo la rabay in lagu khalkhal galiyo amniga Dowlad degaanka Soomaalida, inkastoo Xukuumadda degaanka Soomaalida iyo Dowladda Itoobiya ay sheegeen inay fashiliyeen iskudayadaas, haddana tan maanta waxay kusoo aadaysaa iyadoo maalmo ka hor ay Dowladda Itoobiya sheegtay inay qabteen hub badan iyo dadkii watayba.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA