Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Kenya ayaa soo xir xirtay dad Soomaali u badan oo shiishad ku cabaayay maqaayad ku taalla Nairobi.

isniin-December-25-2023-{HMC} Sida ay baahiyeen warbaahinta dalka Kenya, booliiska ayaa dhowr iyo labaatan qof dhowaan xabsiga u taxaabay, iyadoo sidoo kale 117 xabbo oo haamaha shiishadda ah lagala wareegay dadkaas.

Dadkaan ayaa laga soo qabtay xaruun ku taalla xafadda Kilimani kadib howlgal habeenimadii Jimcaha ay sameeyeen saraakiil ka tirsan Hay’adda Qaranka u qaabilsan la dagaalanka Maandooriyaha ee magaceeda loo soo gaabiyo NACADA.

Maamulaha guud ee NACADA, Anthony Omerikwa ayaa hoggaaminayay howlgalka ka dhacay beerta lagu damaashaado ee Yejoka oo ku taal xaafadda Kilimani ee magaalada Nairobi, oo ah goob caan ah oo ay isugu yimaadaan dadka isticmaala Shiishada.

Dhuuqidda shiishadda ayaa caan ka noqotay Kenya, gaar ahaanna da’yarta dhexdooda, iyadoo lagu cabi jiray baararka dhexdooda. Kuwo ka sameysan khudradda ayaa aad looga isticmaali jiray Kenya.
Kenya ayaa mamnuucday shiishada sanadkii 2017-kii hase-yeeshee waxaa weli meelaha qaar laga adeegsadaa shiishadda.

NACADA ayaa sheegtay in ay ballaarineyso howlgalkeeda ka hortagga maandooriyaha iyo waxyaabaha kale ee la xiriira.

Maxay Kenya u mamnuucday Shiishada?

Dhuuqidda shiishadda oo sidoo kale loo yaqaanno narghile, haanta biyaha, hookah amaba nuugidda hubble bubble, ayaa asal ahaan laga keenay Bariga Dhexe iyo qeybo ka mid ah qaaradda Aasiya. Waa hab lagu dhuuqayo tubaako ku jirta weel.

Haanta ayaa leh af uu qofku ka nuugo qiiqa. Si kastaba, inta badan si fiican looma nadiifiyo haanta shiishada oo ay dad badan wada wadaagaan marka ay ku sugan yihiin maqaayadaha iyo baararka, taasoo keeni karta xanuunnada faafa sida TB iyo hepatitis, sida ay sheegtay NACADA.

Shiishadda ayaa caadi ahaan waxaa ku jirta tubaako mararka qaarna waxaa lagu dhex daraa khudrad amaba sokor. Noocyada ugu badan waxaa ka mid ah tab tufaaxa, strawberry, nacnaaca iyo cola. Dhuxul ayaa la hoos dhigaa haanta si loo diiriyo tubaakada uuna uga soo baxo qiiqa.

Sanadkii 2017, Kenya ayaa hirgelisay mamnuucidda shiishadda, oo ay ku jirto isticmaalkeeda, soo dhoofinteeda, sameynteeda, iibkeeda, xayeysiinteeda iyo dhiirrigelinta isticmaalkeedaba. Wuxuu dalkan noqday kan afaraad ee ku yaalla Bariga Afrika ee mamnuuca shiishadda, kadib Uganda, Tanzania iyo Rwanda.

Balse xitaa kadib mamnuuciddeeda, shiishadda ayaa weli aad looga iibiyaa gudaha Kenya, gaar ahaanna baararka habeenkii lagu caweeyo.

Sanadkii 2014, kahor inta aan la mamnuucin, wasaaradda caafimaadka oo kaashaneysa NACADA ayaa mamnuucay 19 nooc oo oo shiishad ah oo la ogaaday inay ku jiraan daroogada bhang, heroin iyo cocaine. Waxaa heroin laga helay 79.2 boqolkiiba noocyada shiishadda baaritaanka lagu sameeyay.

Ciddii jebisa amarka mamnuucidda ayaa lagu ganaaxi doonaa Sh50,000, amaba xabsi aan ka yareyn lix bilood amaba labadaba.

Ma saameyn caafimaad ayay leedahay?

Daraasado badan oo marar kala duwan laga sameeyay shiishadda ayaa lagu ogaaday inay leedahay dhibaatooyin la mid ah kuwa cabidda sigaarka.

Inkastoo dadka isticmaala ay u maleeyaan inay ka saameyn yar tahay, haddana daraasadahan ayaa muujinaya in shiishadda ay ku jiraan walxo la mid ah kuwa laga helo sigaarka, sida nicotine, tar, iyo bir culus.

Haanta biyaha waxaa ku jirta nicotine—oo ah isla daroogada aadka la qabsiga u leh ee laga helo tubaakada.

Tubaakada ku jirta shiishadda ayaa lagu kululeeyaa dab awood badan, qiiqana ayayna khubarrada caafimaadku sheegayaan inuu yahay sun si la mid ah sigaarka.

Kulka lagu gubo shiishadda ayaa soo daaya walxo kale oo khatar ah, sida carbon monoxide, taasoo ay khubarradu sheegeen inay dhibaato kale ku tahay dadka caba.

Dadka shuuqa shiishadda ayaa aalaaba muddo aad u dheer fadhiya, taasna waxay keentaa in mararka qaar ay 100–200 oo jeer ay nuugaan qiiq la mid ah hal mar oo aad jiiddo sigaarka.

Xigasho BBC

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA