Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Dad badan oo ku go’doomay fatahaadii ku dhufatay Jubbaland oo la soo samata bixiyey

isniin December-25-2023-{HMC} Qoysas caruur iyo haween u badan oo muddo laba maalin ah ku go’doonsanaa fatahaad saameysay degaano hoos taga degmada Jamaame ayey ciidamada Jubaland soo badbaadiyeen

 

Xubno isugu jira Xildhibaano heer Federaal ah, Wasiiro ka tirsan Jubbaland, siyaasiyiin, Lataliyaal sare aqoonyahano iyo masuuliyiin kale ayaa socdaal ku tagay degaanada waqooyi ee gobolka Jubada hoose gaar ahaan deegaanada hoos taga degmada Jamaame oo ay qoysas badan ku go’doonsanaayeen

 

Ciidamada oo isticmaalaya doonyo iyo qalab kale ayaa deegaanada ay sida daran u saameeyeen daadadka iyo fatahaadaha ka soo badbaadiyey qoysas la arkay iyagoo go’doon kujira ka dib markii ay qabatay Camerada Dronka ah oo lagu baadi goobayay dad badan oo lala yahay maadama dhulku howd yahay biyo badana ay fadhiyaan

 

Saraakiisha qeybaha kala duwan ee Ciidamada Jubbaland ayaa door weyn ka qaatay samata bixinta dadka danyarta ah ee go’doonka ku jiray

 

 

 

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA