Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxay yihiin diyaaradaha dagaalka ee Iiraan ay ka iibsaneyso Ruushka?

isniin-December-25-2023-{HMC} Iskaashiga milatari ee u dhexeeya Ruushka iyo Iiraan ayaa kor u kacayay tan iyo bishii Febraayo 2022, weerarkii Ukraine kadib.

Maraykanku wuxuu u arkaa Iiraan inay tahay ‘saaxiibka militariga ugu fiican ee Ruushka’ Iiraan waxa ay Moscow siisaa hub kala duwan oo ay ku jiraan taangiyo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaanno (UAVs).

Wasiirka difaaca ee Ruushka ayaa sheegay in cilaaqaadka militari ee kala dhaxeeya Iiraan uu yahay mid sare, balse waxa uu diiday inuu shaaciyo xogta xiriirka labada dal ee dhanka iskaashiga milatariga .

Iiraan ayaa qiratay inay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn u dirtay Ruushka balse waxay sheegtay in ‘aan loo isticmaali doonin’ dagaalka Ukraine.

Si kastaba ha ahaatee, Iiraan ayaan qarin iskaashiga milatari ee ay la leedahay Ruushka, taas beddelkeeda waxa ay qorshaynaysaa in ay casriyayso ciidamadeeda iyada oo adeegsanaysa diyaaradaha Ruushka.

Taariikhda iskaashiga difaaca ee Ruushka iyo Iiraan

Markii Ciraaq ay dagaal kula jirtay Iiraan intii u dhaxaysay 1980 iyo 1988, Midowga Soofiyeeti wuxuu ahaa mid ka mid ah kuwa hubka ugu badan siiya Ciraaq, balse dhammaadka dagaalkan ayaa albaabbada u furay wada shaqayn dhex marta Ruushka iyo Iiraan.

Sida laga soo xigtay Machadka Cilmi-baarista Nabadda ee Caalamiga ah ee Stockholm (SIPRI), heshiis ganacsi oo weyn ayaa dhexmaray Midowga Soofiyeeti iyo Iiraan sanadkii 1989, heeshiiska ayaa dhigayay in Iiraan ay hesho ku dhawaad $1.9 bilyan oo sahay ah, intii u dhaxaysay 1990 iyo 1999, diyaarado dagaal, taangiyo, iyo doonyo quusa ayaa sidoo kale la siinayay Iiraan.

Iskaashi dhanka difaaca ee u dhexeeyay Ruushka iyo Iiraan ayaa sii xoogaysanayay, walow Ruushka uu mar walba ka taxadarayay in lagu eedeeyo inuu si cad ugu xadgudbay cunaqabateynta ka dhanka ah Iiraan.

Markii Ruushku uu weeraray Ukraine ee lagu soo rogay cunaqabataynta qaybaha dhaqaalaha iyo difaaca, Ruushku wuxuu isku dayay inuu isticmaalo fursad kasta oo uu ku helo hub si uu u sii wado dagaalka.

Iskaashiga difaaca ee Ruushka ayaa mar kale xoog yeeshay kadib markii xannibaadaha wax soo saarka, samaynta iyo cilmi baarista gantaallada ballistic laga qaaday bishii Oktoobar.

Bandhiggii Moscow ee bishii Agoosto, Iiraan waxay ku soo bandhigtay hubkeeda ilaa hadda lagama iibin waddan, waxaana si gaar ah loogu nashqadeeyey Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC).

Liiska hubkan ayaa waxaa ka mid ah gantaallada Zoheer iyo Ababil, Shaheed-129, Shaheed-133 drones iyo diyaaradaha Arash ee riddada dheer.

iImisa heshiisyo hub ah oo ka dhaxeeya Ruushaka iyo Iiraan ayaa la fuliyay?

Ma jirto xog faahfaahsan oo rasmi ah oo laga hayo inta jeer ee heshiisyo hub ay wada galeen Ruushka iyo Iiraan.

Xogta Qaramada Midoobey iyo xogta Adeegga Kastamka Ruushka ayaa bixiyay macluumaad is khilaafaya oo arrintan ku saabsan.

Sannad kadib heshiiskii Nukliyeerka, 2016 iayaa aha sanndkii ugu badnaa ee ganacsiga hubka ee u dhexeeya Ruushka iyo Iran, sida lagu sheegay xogta qaramada midoobey.

Qandaraasyada hubka ee labada dal ayaa kor u kacaya ilaa 200 milyan oo dollar.

Wali ma jiro qiimeyn faahfaahsan oo ku saabsan ganacsiga hubka ee Ruushka uu la leeyahay Iran tan iyo sanadkii 2022 ilaa 2023.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn

Iskaashiga milatari ee ka dhexeeya Ruushka iyo Iran ayaa sii xoogaystay markii Ruushku bilaabay inuu u adeegsado diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran dagaalka Ukraine.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo isticmaalay dagaalka muddadas waxaa ka mid ah Shahiid-131, Shahiid-136, Mohajir-6.

Shahiid UAVs waa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo lagu farsameeyo Iran.

Sida laga soo xigtay shirkada Airwars ee fadhigeedu yahay Netherlands, Ruushku wuxuu Ukraine u adeegsaday ilaa 2000 oo ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Shahiid intii u dhaxaysay Sebtembar 2022 iyo Sebtembar

2023.

Iran iyo Ruushka ayaa labaduba beeniyay sheegashada ah in Iran ay siisay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Shahid si ay Ruushka uga caawiyaan dagaalka Ukraine.

Bishii Noofambar 2022, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Hossein Amir Abdullahiyan, ayaa xaqiijiyay in Iran ay ” qadar yar” ah oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn u dirtay Ruushka “dhowr bilood ka hor bilowga dagaalka”

Iran ayaa weli ku adkaysanaysa in aanay Ruushka siinin wax hub ah oo ay ugu adeegsato dagaalka Ukraine.

Sidoo kale waxaa ay sheegtay in Ukraine aysan weli awood u yeelan inay soo bandhigto wax cadeymo ah oo ku saabsan adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran.

Warbaahinta Ruushka iyo kuwa wax ku qora baraha bulshada ayaa qiraya in Ruushku hub iyo diyaarado ka helay Iran.

Iran ayaa doonaysa in ay Ruushka ka iibsato diyaaradaha dagaalka ee Su-35

Iiraan ayaa dhankeeda waxay dooneysaa inay casriyeyso qalabkeeda militari, gaar ahaan, waxay muujinaysaa rabitaankeeda ah in la cusboonaysiiyo diyaaradaha milatariga ee duugoobay iyo in ay hesho tignoolajiyada Ruushka.

Iibsashada diyaaradaha Ruushka waa mid ka mid ah sababaha Iiraan ay u qaadday tallaabo aan caadi ahayn oo ay kaga qayb qaadanayso dagaallada ka baxsan Bariga Dhexe.

Iiraan ayaa xaqiijisay bishii March in ay Ruushka ka iibsatay diyaaradaha dagaalka ee Su-35, balse waxaa shaacisay in hawshan dib baa loo dhigay.

Dhanka kale, Iiraan waxay heshay dhowr diyaaradood oo askarta lagu tababaro oo Ruushku sameeyay kuwaas oo ah Yak-130 .

Wasiir ku xigeenka gaashaandhigga Iiraan, Mehdi Farahi, ayaa sheegay bishii Nofembar in qandaraaska diyaaradaha helicopters-ka ee Mi-28, diyaaradaha dagaalka Su-35 iyo diyaaradaha dagaalka Yak-130 ee Ruushka la soo gabagabeeyayo waqti dhowa.

Helitaanka diyaaradahan waxay Iiraan u noqon doontaa guul weyn.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA