Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Mucaaradka Puntland oo war culus kasoo saaray go’aanka ay SSC uga baxeen doorashada Puntland

isniin December-25-2023-{HMC}Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Puntland oo shir deg deg ah ku yeeshay Garoowe ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray mowqifkooda Arrimaha doorashada iyo go’aankii SSC-Khaatumo

 

War-saxaafadeed ka kooban laba bog oo ka soo baxay musharaxiinta ayay ugu horrayn ku sheegeen in ay ixtiraamayaan go’aanka isimada iyo Maamulka SSC-Khaatumo kaga baxeen doorashada Puntland, balse waxay intaas raaciyeen in loo baahan yahay heshiis loo dhan yahay, si loo kala guuro, oo ay u kala baxaan Puntland iyo SSC

 

Golaha Musharaxiinta Puntland ayaa sidoo kale isku raacay in aan ka hor 31 Dec 2023 la soo xuli karin xildhibaannada laga soo doorto SSC-Khaatumo, inta laga helayo heshiis siyaasadeed oo xukuumadda iyo musharaxiinta mucaaradka ah ka gaaraan soo xulista 17-ka xildhibaan ee reer SSC

 

Golaha Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale caddeeyay in aysan aqbali doonin xildhibaanno ku soo baxay habraac baal-marsan saxiixi Isimada ku soo xuleen xildhibaannada Baarlamanka dowladda Puntland doorashadii Dec 2018

 

Isimmada Khaatumo ayaa shalay soo saaray go’aan ay ku joojiyeen xulista xildhibaanadii ay ku lahayeen Puntland, kuwaas oo dhan 17 xildhibaan, taasi oo ka dhigan inay SSC iyo Puntland kala gurteen

 

Go’aanka Isimmada ayaa yimid xilli xulista xildhibaanadu ka socoto Puntland qaar badan oo ka mid ahna ay odayaasha dhaqanku soo saaraan

Sool iyo Buuhoodle ayaa lahaa tirada ugu badan ee hal beel ku lahayd baarlamaanka Puntland laakiin hadda go’aanka ayaa haddii uu hirgalo baddalaya qaabdhismeedka saamiqaybsiga baarlamaanka.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA