Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Muuse Biixi oo arrimo soo kordhay kala shiray ganacsatada Somaliland

isniin December-25-2023-{HMC} Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan ballaadhan oo lagaga doodayey sidii wada-jir loogaga tashan lahaa duruufaha kusoo kordhay isu socodkii ganacsiga ee mandaqadda badda cas la yeedhay ganacsatada kala duwan ee Somaliland.

Kulankan oo ka qabsoomay qasriga madaxtooyada,, ayaa diiradda lagu saaray sidii looga dabbaalan lahaa saamaynta dhaqaale ee ka dhalatay duruufaha kusoo kordhay ganacsigii isaga kala gooshi jirey marinka badda cas, loona diyaarin lahaa qorsheyaal midho dhal ah oo lagu maareeyo saamaynta ganacsiga ku soo korodhay ee nolosha bulshada taabanaysa.

Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in ganacstada iyo xukuumaddu iska kaashadaan sidii loo heli lahaa talooyin lagaga gaashaanto saamaynta ka dhalatay duruufaha kasoo kordhay mandaqadda badda cas.

Madaxweynaha waxa uu ganacsatada uga mahadnaqay sida xushmadda leh ee u soo ajiibeen kulanka qaran ee loogu baaqay, waxana uu soo dhaweeyey soo jeedimaha iyo talooyinka cilmiga ku dhisan ee ku saabsan iskaashiga ganacsatada iyo dawladda.

Madaxweynuhu waxa uu xusay inay ka xukuumad ahaan ka go’an tahay in ganacsatada taladooda la weeleeyo, lagana wada tashado sidii loo yarayn lahaa caqabadaha iyo dhibaatada mandaqadda kusoo korodhay ee taabanaysa noloshada bulshada rayidka ah.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu guddoomay soo jeedin la xidhiidha in la diyaariyo guddi isku dhafan oo xukuumadda iyo ganacsatada ka kooban oo xal waara ka keenta dhibaatada dhanka isu socodka ganacsiga iyo badeecadaha ee mandaqadda kusoo korodhay, waxana uu yidhi,“Ganacsato ahaan inaad guddidii soo xushaan la isu yimaaddo, dhaqaalihiina waxyaabo badan baa dhacay ee sidee la yeelaa aynu wada-jir ugu soo saarno waa inoo guddoon.”

Ugu dambayntii, madaxweynaha Somaliland waxa uu ganacsatada ku boorriyey inay door muuqda ka qaataan nabadgelyada iyo xasiloonida bulshada dhexdeeda ah, si ay uu isu socodka ganacsigu kor ugu kaco, horumarkuna u noqdo mid waara.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA