Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Siyaasiyiin kasoo jeeda SSC- Khaatumo oo loolan ugu jira kamid noqoshada baarlamaanka Puntland

isniin December-25-2023-{HMC} Siyaasiyiin kasoo jeeda SSC- Khaatumo oo doonaya inay kamid noqdaan baarlamaanka Puntland, kuwaas oo wata saxiixyada isimadooda, ayaa warqadahooda u geystay guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta xubnaha baarlamaanka, sida aan ka xaqiijinay ilo xog ogaal ah oo si dhow ula socda arrimahan.

 

Siyaasiyiintan ayaa waxay u badan yihiin xubno katirsan maamulka madaxweyne Deni, sida wasiirro iyo la-taliyayaal, kuwaas oo qaarkood si dhow uga shaqeynaya in madaxweyne Deni uu mar labaad kusoo laabto kursiga madaxweynaha.

Saxiixyada ay gudbiyeen siyaasiyiintan ayaa kamid ah kuwa ay leeyihiin Isimmada SSC- Khaatumo, kuwaas oo Sabtidii soo saaray go’aan ay ku sheegayeen in aanay Puntland dirsan doonin wax xildhibaanno ah.

Iyadoo taas ay jirto, ayaa guddoomiye ku xigeenka maxkamadda sare, wuxuu sheegay in aanu waxba ka jirin go’aanka isimmada SSC, isagoo sheegay, kala gurashada Puntland iyo Khaatumo, in ay u baahan tahay waqti dheeraad ah iyo heshiis siyaasadeed oo labada dhinac ah.

Arrintaan ayaa kusoo aadaysa, xilli ay musharraxiinta madaxweynaha xalay ka digeen in lasoo xulo xildhibaanada SSC- Khaatumo, iyadoo aan heshiis siyaasasdeed laga gaarin qaabka ay ku imaanayaan.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA