Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya OO xariga ka jaray Saalada qaliinka

isniin December-25-2023-{HMC} Wasiirka Wasaarada Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Ali Haji Adam ayaa xariga ka jaray Saalada qaliinka guud ee Isbitaalka Demartiino kadib dib u howlgalin, dayactir iyo qalabayn cusub oo lagu sameeyey saalada qaliinka iyo qaybaha gurmadka iyo gargaarka deg degga ah ee Isbitaalka.

Saalada qaliinka ayaa burbur xoogan soo gaaray kadib dab ka kacay aaladda suuxinta bishii March ee sanadkaan 2023 dabkaas oo khasaaro badan gaystay kuna bas beeleen dhamaan wixii agab iyo qalab yaalay qaybaha gubtay.

Wasiirka ayaa u mahadceliyay Ururuka dhaqaatiirta Soomaliyeed , Isbitaalada iyo xarumaha gaarga loo leeyahay iyo kuwa danta guud sida ay ugu soo gurmadeen una garab istaageen isbitaalka iyo saalada qaliinka wuxuuna Wasiirka bogaadiyay gurmadka isku tashiga ee Soomaalinimo ee suurta galiyay soo celinya adeeg bixinta Caafimaad ee daruuriga u ah Bulshada iyo sii wadida shaqada muhiimka ah ee uu bulshada u haayo Isbitaalka Demartino.

Munaasabad kooban oo ay ka soo qaybgaleen agaasimayaasha Isbitaalada, Agaasimaha machadka Qaran ee Caafimaadka Xoghayaha golaha mihnadlayaasha Caafimaadka iyo gudoomiyaha Ururuka dhaqaatiirta Soomaliyeed ayuu Wasiirka ku gudoonsiiyay shahaado sharaf xubnaha gudiga ahaa ee isku howlay gurmadka saalada qaliinka iyo qaybaha gurmadka deg degga ah ee Isbitaalka.

Wasiirka Caafimaadka ayaa ugu Mahadceliyay maamulka iyo shaqaalaha Isbitaalka martiini shaqada adag ee ay u hayaan bulshadeena kuna bogaadiyay joogtaynta adeeg bixinta Caafimaadka kulana dardaarmay dardargelinta iyo tayeynta daryeelka Caafimaad ee uu Isbitaalka u fuliyo bulshada Soomaliyeed.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA