Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Faransiiska oo dib u celiyay Diyaarad siday Boqolaal Tahriibayaal oo Mareykanka kusii jeeday

Talado December-26-2023-{HMC}  Ciidamada ammaanka dalka Faransiiska ayaa ku xayiray garoon diyaaradeed oo kuyaalla dalkaasi, diyaarad ka timid dalka Hindiya oo ay la socdeen dad ku dhaw saddex boqol oo rakaab ah oo badankood kasoo jeedeen dalka Hindiya

 

Diyaaradan oo kusii jeeday dalka Nicaragua ayaa lagu xayiray dalka Faransiiska, waxaana diyaaradan la sheegay in lagu qabtay magaalada Vatry ee waqooyi bari Faransiiska, xilli diyaarada dooneysay in garoonkaasi ka qaadato shidaal

 

War kasoo baxay dowladda Faransiiska ayaa lagu sheegay in rakaabka tahriibayaasha ah saakay dib loogu celiyay magaalada Mumbai ee dalka Hindia, waxa ayna Faransiiska sheegeen in ay kasoo horjeedaan tahriibka sharci-darada ah

 

Diyaarada dib loo celiyay waxaa ka haray 25 qof oo ay ku jiraan labo caruur ah, kuwaa oo Faransiiska ka codsaday magan-galyo, waxaa sidoo kale ciidamada Faransiiska la hareen labo qof oo lagu tuhmayo in dadkan la celiyay ay tahriibinayeen

 

Dacwad oogayaasha Faransiiska ayaa laba maalmood su’aalo weydiinayey rakaabka diyaarada la socday, kaddib markii si qarsoodi ah loo ogaaday in qaar kamid rakaabka diyaarada saarnaa loo tahriibinayey dalka Maraykanka.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA