Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Raysal wasaaraha Israa’iil oo jeediyay hanjabaad horleh xilli xaalad murugsan ay ka jirto Qasa

Talado December-26-2023-{HMC}  Raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay sii xoojin doonaan dagaalka Xamaas ay kula jiraan.

Isniintii ayuu ka soo laabtay Qasa, wuxuuna Netanyahu u sheegay xubnaha xisbigiisa Likud in dagaalku “uu socon doono waqti dheer, dhammaadkiisuna uusan dhowayn”, isagoo intaa ku daray in askartii uu kula kulmay Qasa ay weydiisteen in dagaalku aanu joogsan oo uu sii socdo ilaa iyo inta laga gaarayo. dhamaadka.

Hadalka raysal wasaaraha Israa’iil ayaa imaanaya xilli xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka uu sheegay in ay qasab tahay in Israa’iil ay hoos u dhigto duqeymaha xooggan ee ay ka waddo Marinka Qasa.

Dagaalka oo sii xoogeysta ayaa xaalka Qasa sii cakiri kara maadama wararka laga helayo aaggaas ay tilmaamayaan in dadku ay wajahayaan cunto yari ba’an iyadoo hay’adaha Qaramada Midoobey ay ka dayrinayaan nolosha halkaa ka jirta.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA