Friday, May 17, 2024
spot_imgspot_img

Madaxwayne feeray garsoore kubada cagta ah oo cudur daartey,kadib markii ay Booliska ay,,,

Khamiis -Dec:-28-2023-{HMC} Madaxweynaha kooxda kubadda cagta ee ka dhisan wadanka Turkiga laguna magacaabo Faaruuq Koca oo todobaadyo ka hor feeray garsoore, ayaa Arbacadii shalay ahayd xabsiga laga sii daayay.

 

Taageerayaasha naadiga kubada cagta Ankaragucu ayaa si qurux badan ugu soo dhaweeyay hogaamiyahooda iyaga oo sameeyay bandhig si weyn usoo jiitay indhaha caalamka.

 

Koca oo la hadlay saxaafadda kadib sii deyntiisa ayaa waxa uu u mahadceliyey cid walba oo usoo baxdey inuu dib u helo xorriyadiisa wuxuu caddeeyay inuu qiranayo wixii qalad ahaa ee ka dhacay.

“Weligay ma difaacayo tallaabadan aan qaaday. Dhammaan asxaabtayda i yaqaana waxay hubin karaan inaan ahay qofka ugu dambeeya ee falkan samayn doona,” ayuu ku bilaabay hadalkiisa.

 

Wuxuu raaciyay: “Si kastaba ha ahaatee, waxaan nahay aadane. Waxaan ka falcelinaa qaladaadka iyo cadaalad darada aan aragno. Qaabka falcelinta ayaa laga yaabaa inay khaldan tahay, laakiin Inaad noqoto dad, inaad nin noqoto, waa inaad ka falceliso oo aad ka soo horjeeddaa caddaalad-darrada iyo khaladka”.

 

“Waxaa jira waxyaabo qiyam ah oo aan horey ugu qaatay mabda’a ahaan nolosheyda. Ma doonayo in aan helo magac kasta oo aan u qalmin. Ma rabo in aan halkan uga tago anoo geesi ah,” ayuu xusay.

 

Sanadihii lasoo dhaafay waxa ay si weyn usoo jiidaneysa indhaha taageereyaasha caalamka Kubada cagta Wadanka Turkiga taas oo horyaalka dalkan ka dhigtay mid dunida looga soo daawasho tago.

{DAAWO MUUQAALKA} Maleeshiyaad hubeysan oo mar kalle shacab ku laayay Gal-gaduud.

Jimco-17-May-2024 {HMC} Maleeshiyaad hubeysan oo mar kalle shacab ku laayay Gal-gaduud. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/12T3EOMWlis

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {17.05.2024}

Jimco-17-May-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn. Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahmaan macalin muuse Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud HOOS...

WARARKA