Sunday, May 19, 2024
spot_imgspot_img

Dal ku yaala Afrika oo Dacwad ka dhan ah Israa’iil gudbiyay.

Sabti Dec:-30-2023-{HMC} Dalka Koonfur Afrika ayaa maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) u gudbiyay dacwad ku saabsan in Israa’iil ay “xasuuq” ka waddo Qasa.

Maxkamadda Qaramada Midoobay ayaa xaqiijisay dacwadda ku saabsan ku xadgudubka waajibaadka Israa’iil ee hoos yimaada Axdiga Xasuuqa.

Israa’iil ayaa si adag u diidday eedeynta, waxayna ku tilmaantay “mid aan sal iyo raad toona lahayn”.

“Israa’iil waxay yaqyaqsi ah u diidday been-abuurka dhiigga la daadshay ee ay faafisay Koonfur Afrika,” ayay tiri wasaaradda arrimaha dibadda.

Maxkamadda ICJ, oo fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Holland, ayaa ah hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka sharciga. Waxay xallisaa khilaafaadyada u dhexeeya dawladaha waxayna samaysaa talo-bixin ku saabsan arrimaha sharciga caalamiga ah.

Kaddib codsigii ay u gudbisay maxkamadda ICJ, madaxtooyada Koonfur Afrika ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in waddanka ay waajib ku tahay “ka hor tagga in xasuuq uu dhaco”.

“Koonfurta Afrika waxay aad uga walaacsan tahay xaaladda dadka rayidka ah kasoo gaadhay weerarrada hadda ay Israa’iil ku hayso Marinka Qasa taas oo ay ugu wacan tahay adeegsiga aan loo meel dayin ee xoogga iyo raridda dadka,” ayaa lagu yidhi.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Hiiraanweyn 18-05-2024

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdimajiid...

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024.

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) –  Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/6ZdYxaTqeSk

WARARKA