Sunday, May 19, 2024
spot_imgspot_img

Madaxweyne Deni oo diiday go’aankii kasoo baxay Isimada Puntland.

Sabti Dec:-30-2023-{HMC} Isimada Puntland ayaa xalay go’aamiyay in golaha wakiillada cusub ee Puntland laga reebo xildhibaannadii kumatali jiray deegaannada SSC Khaatumo, kuwaa oo dhisay maamul goboleed u gaar ah.

War-murtiyeed ay soo saareen isimada ayeyna ku go’aamiyeen in kaliya lasoo xulo 49-xildhibaan uu ka koobnaan doono golaha cusub ee wakiillada Puntland ,kuwaa oo lagu wado in ay doortaan madaxweynaha Puntland.

Go’aanka kasoo baxay isimada Puntland ayaa wararku sheegayaan in si weyn uga soo horjeedo madaxweynaha muddo xileedkiisu maalmaha ka harsan yihiin ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, kaa oo doonaya in xildhibaannada Dhulbahante lasoo xulo.

Siciid Cabdullahi Deni oo habeen kahor ku dhawaaqay in uu mar kale xilka madaxweynaha u sharaxan yahay ayaa shaaciyay in xildhibaannada Dhulbahante lasoo xulayo ayna qeyb ka noqon doonaan doorashada dhaceysa.

Sida aan xogta ku heleyno madaxweyne Deni ayaa diidan go’aanka xalay soo saareen isimada, waxa uuna guddiga xalinta khilaafaadka iyo xulista xildhibaannada uu xalay la kulmay ka dalbaday in ay diiwaan-geliyaan xildhibaannada Dhulbahante matelaya.

Dhinaca kale madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Karaash ayaa dhankiisa taageeray go’aanka isimada Puntland soo saareen, waxaana xogaha sheegayaan in Axmed Karaash raali ka yahay in Khaatumo laga reebo Puntland ayna noqdaan maamul madax-bannaan.

Doorashada Puntland ayaa wajaheysa caqabado dhinacyo kala duwan uga imaanaya, waxaana laga cabsi qabaa in doorashada loo ballan-san yahay xilligeeda ku dhici weyso ayna dib u dhacaan xulista xildhibaannada Puntland.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Hiiraanweyn 18-05-2024

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdimajiid...

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024.

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) –  Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/6ZdYxaTqeSk

WARARKA