Sunday, May 19, 2024
spot_imgspot_img

Maxay tahay Sababta Ciyaar Fiinal ah oo xalay ka dhici laheyd Sacuudiga ay u baaqatay.

Sabti Dec:-30-2023-{HMC} Waxaa xalay lagu waday in garoonka kubadda cagta ee Riyaad ee Al-Awwal ee Boqortooyada Sacuudiga ka dhacdo ciyaar fiinaal ah oo u dhaxeysay kooxaha kubadda cagta ee Galatasaray iyo Fenerbahce ee ka dhisan dalka Turkiga.

Ciyaarta finalka ee Super Cup-ka Turkiga ayaa si lama filaan ah u baaqatay , xilli taageerayaasha tikitka ciyaarta jartay ay soo xaadireen garoonka , lana filayay in ciyaarta oo aheyd mid lawada sugayay bilaabato.

Khilaaf soo kala dhax galay masuuliyiinta labada kooxood ee ka dhisan dalka Turkiga iyo marti-galiyaasha ciyaarta ee Sacuudiga ayaa sabab u noqotay in ciyaartan dib loo dhigo, kaddib markii boorar ay wateen labada koox loo diiday in ay garoonka la galaan.

Sacuudiga ayaa diiday in garoonka ciyaarta ka dhaceysay ciyaartoyda labada koox ee Galasataray iyo Fenetbache la galaan boorar ay ku qoran yihiin aabbaha “sharafta leh ee Turkiga casriga ah” Mustafa Kemal Ataturk.

Ciyaartoyda labada kooxood ayaa sidoo kale loo diiday in gudaha garoonka la galaan funaanado uu ku sawiran yahay Ataturk oo ahaa hoggaamiyha aas aasaha Turkiga, sidoo kale soo noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee Turkiga sannadkii 1923-dii.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Hiiraanweyn 18-05-2024

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdimajiid...

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024.

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) –  Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/6ZdYxaTqeSk

WARARKA