Sunday, May 19, 2024
spot_imgspot_img

Kenya oo wax ka badashay go’aankeedii dalkugalka ee hadal haynta dhaliyey

Axad jan-7 2024-{HMC} Warsaxaafdeeda ay soo saartay waaxda socdaalka ee dalka Kenya ayaa lagu sheegay in wax looga baddalay go’aan ay hore usoo saartay oo ahaa, in muwaadiniinta awalba dalkugalka u baahnaa ay weli u baahan doonaan si ay usoo galaan Kenya taas oo liddi ku noqotay hadalkii madaxweynaha Kenya ee ahaa in gebi ahaanba la qaadi doono xayiraadda dalkugalka.

“Si loo kobciyo dalxiiska sarena looga qaado maalgashiga shisheeye ee dalka, dawladdu waxay meesha ka saartay dalkugalka looga baahan yahay muwaadiniinta dhammaan caalamka ee imaanaya ama dhaxsinka ku noqonaya Kenya” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

Go’aanka hore ee soo baxay ayaa si qeexan lagu sheegay dalalka iyo dadyowga aan u baahan doonin dalkugalka, taas oo Soomaaliya ka saartay liiskaas maaddaama aan lagu darin dalalkaas.

Dalalka ku bahoobay ururka goboleedka dhaqaalaha ee Bariga Afrika oo ay dhawaan Soomaaliya ku biirtay ayaa mid mid loo xusay si loo cadeeyo in aysan u baahnayn dalkugal, halka Soomaaliya laga tagay.

Arrintan ayaa hadal hayn ka dhex dhalisay Soomaalida.

Waxay soo kordhisay dawladda Kenya, nidaam kale oo elektaroonik ah (ETA), kaas oo qofku uu kusoo dalban karo ogolaanshaha in uu dalka soo galo ah.

{DAAWO MUQAALKA} Booliska Soomaaliya oo Xabsiga dhigay Dhalinyaro Caan ka ah Baraha Bulshada.

Axad 19 May 2024 {HMC} Howgal qaatay muddo 24 saac ah ayeey Ciidanka Boliiska Qeybta Guud kusoo qaqabteen dhalinyaro tiradoodu gaareyso 21 ruux kuwaas...

{DAAWO MUUQAALKA} Dadka Ku Nool Buunda-weyn oo ku Rajo weyn yahiin inaan Fatahaad Looga Barakicin Xaafadan

Axad May, 19, 2024 (HMC) Dadka Ku Nool Buunda-weyn oo ku Rajo weyn yahiin inaan Fatahaad Looga Barakicin Xaafadan HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/7QNYRMXU7Mg  

WARARKA