Tuesday, May 21, 2024
spot_imgspot_img

Real Madrid Oo Heshiis La Gashay Kylian Mbappe.

isniin jan-8 2024-{HMC} Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa heshiis la gashay xiddiga reer F1rance ee Kylian Mbappe oo xagaaga si xor ah ay ugala soo wareegi doonaan Paris Saint-Germain, taas oo soo afjaraysa sannado badan oo laacibkan lala xidhiidhinayay kooxda reer Spain.

Kylian Mbappe oo ahaa hadal-haynta ugu weyn ee suuqa iibka ciyaartoyda ee sannadihii ugu dambeeyey, ayaa waxa gacanta ku dhigtay Real Madrid oo laba sannadood ka horna uu qarka u saarnaa inuu u saxeexo, laakiin cadaadis kaga yimid meelo kala duwan lagu riixay inuu heshiis laba sannadood ah u saxeexo naadiga uu hadda ka tegayo.

Xogta heshiiska waxa helay wariyaha wargeyska Foot Mercato ee Santi Aouna, waxaana uu xaqiijiyey in heshiiska ay dhinacyadu gaadheen dhawr maalmood ka hor.

Aouna waxa uu intaa ku daray, in Kylian Mbappe oo ay da’diisu tahay 25 jir uu si xor ah ugu biirayo Real Madrid xagaaga, sidaasna ay Los Blancos ku helayso mid ka mid ah weeraryahannada ugu wanaagsan adduunyada.

Manchester United, Chelsea, Liverpool iyo kooxo kale oo horyaalka Premier League ah ayaa lala xidhiidhinayay Mbappe, laakiin waxa dedaalka ugu badan samaynaysay PSG oo isku dayaysay inay ku qanciso inuu sii joogo kooxdooda.

25 jirkan oo xagaagii iska diiday dalab waalli ahaa oo uga yimid kooxaha horyaalka Sucuudiga oo ka dhigayay ciyaartoyga ugu mushaharka badan dhamaan bahda isboortiga kala duwan, isla markaana PSG loogu shubayay lacag dhan £259 milyan oo Gini, ayaa ogolaaday inuu rumeeyo riyadiisa ah inuu ka ciyaaro Santiago Bernabeu.

Faahfaahinta hordhaca ah ee heshiiska ayaa waxa ay sheegaysaa, in Kylian Mbappe uu u saxeexay Real Madrid heshiis shan sannadood ah oo uu mushaharkiisa sannadkii gaadhayo £25 milyan oo Gini, halka ay sidoo kale Real Madrid siinayso laacibkan lacag dhan £110 milyan oo Gini oo kale oo ah xaqal-saxeex maadaama uu si xor ah ugu soo wareegayo.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {21.05.2024}

Talaado-21-May-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn. Warka waxaa soo jeedinayo ::Mustaf Cali Cadoow Farsamadii :Mohamed Baryare...

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa Maanta ka Cusub Fatahaada wabiga Shabeelle ee Baladweyne

Talaado-21-May-2024 {HMC} Maxaa Maanta ka Cusub Fatahaada wabiga Shabeelle ee Baladweyne HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/9OPLgo-5_5I

WARARKA